JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

JAMHUURIYAMEDIA.COM

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 7, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

 

 

Qaybta 4aad

 

Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Waa diblomaasi qurbo-joog ah oo ku cusub masraxa siyaasadda, magaciisuna waxa uu si rasmi ah ugu biiray liiska siyaasiyiinta Somaliland waqti haatan laga joogo ku dhowaad 11 bilood oo ku beegnayd 25 June 2013, maalintaas oo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u magacaabay xilka wasiirnimada Wasaaradda Khaarajiga ee uu hadda hayo.

Waa aqoonyahan wax ka bartay jaamacadda ugu qaalisan waddanka Maraykanka ee Harvard, waxaannu muddo dheer ka soo shaqeeyey Qarammada Midoobay oo uu ka soo qabtay xilal sare oo muhiima, isagoo shaqooyin badan ka soo qabtay dalalka Bariga Dhexe, Koonfurta Ameerika iyo Gobolka Dafur ee wadanka Suudaan, iyadoo xilligaas lagu xasuusto inuu shaqaalaysiiyey aqoonyahanno badan oo reer Somaliland ah.

Waa hadal-yaqaan ruug caddaa ah, kalsooni badanna laga dheehan karo hadalkiisa, muddada kooban ee xilka hayeyna saamayntiisa laga dhex dareemo dhaqdhaaqyada siyaasiga ee muddadaas kooban ka socday gudaha dalka iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo uu gadh-wadeen ka yahay, waxaanna lagu tilmaamaa inuu ku wanaagsan yahay dhinacyada waanwaanta iyo dhexdhexaadinta dadka is-khilaafa, iyadoo la ogyahay doorkii uu ka qaatay xallinta khilaafkii ku dhex jiray hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa kaloo ka hawlgalay daminta fadeexadihii la xidhiidhay sababihii keenay in shirkadda shidaalka ee Genel Energy iyo Diyaaradaha Itoobiya ka baxaan Somaliland,  isagoo ka mid ahaa masuuliyiin shirkadahaas ku qanciyey inay dib u bilaabaan hawlgaladoodii Somaliland.

Inta badan bulshada reer Somaliland ayaa u arka inuu yahay siyaasi mustaqbal fiican leh oo wax weyn ku soo kordhin kara waddankiisa, balse rajadiisu ku xidhnaan doonto hadba guusha amma guuldarrada uu kala kulmo fagaaraha wareejinta giraanta siyaasadda dalka ee ku cusub iyo isbeddelka uu ku soo kordhiyo geeddi-socodka aan weli midho-dhalka noqon ee qaddiyadda aqoonsi-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana Maxamed Biixi Yoonis lagu xantaa inuu yahay shaqsi wata damac qarsoon oo uu ku doonayo inuu u xadhko xidho darajo wasiirnimada ka saraysa oo ilaa heer madaxweyne ah, balse lama oga xilliga iyo goonta uu damaciisaas ku soo bandhigi doono, iyadoo sidoo kale lagu xanto inuu dariiqii aqoonsi-raadinta u beddelay mid dhaqaale-raadis ah oo ku hawlan sidii Somaliland maalgashi xooggan uga heli lahayd dunida, isagoo wata siyaasad ah in dhaqaalaha iyo maalgashigu yihiin dariiqa lagu gaadhi karo aqoonsi buuxa, balse dad badan arrintaas ka biyo diideen, kuwaasoo ku dooday inuu faraha la galay shaqo wasaarado kale leeyihiin.

Waxa kaloo jira aragtiyo taa hore ka duwan oo tilmaama nin si fudud u aqbalay dabin aannu ka fiirsan [xilka wasiirnimada] oo natiijadiisu noqon doonto in kaadhku kaga gubto dhex-galka siyaasadda Somaliland ee ku dhisan sumcad-dilista iyo qof necaybka, sidoo kalena dayacay fursad heer caalami ah oo uu ku gaadhi lahaa xilalka ugu sarreeya hay’adda ugu weyn adduunka ee Qarammada Midoobay oo uu muddo dheer ka soo shaqeeyey.

Dadka dhalliila ayaa sidoo kale tilmaama in Maxamed Biixi Yoonis yahay nin da’weyn oo aan ku haboonayn in gacanta looga geliyo Wasaaradda Khaarajiga oo ah meesha shaqadeedu tahay ka midho-dhallinta qadiyada aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay durba candhuuftooda dib u liqeen dad aaminsanaa inuu guul degdeg ah ka keeni doono ictiraafka.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaynta iyo wax-ka-sheegga Wasiir Biixi waxa ay ku xidhnaan doontaa tallaabooyinka siyaasiga ah ee uu qaado mustaqbalka.  La soco falanqaynta xigta iyo Wasiir Warancadde……

 XIGASHO. JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: