JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne SiilaanyoDr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

JAMHUURIYA: Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

May 12, 2014 – Written by Ali jaamac

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 8aad

Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka: Waa dhakhtar qurbo-joog ah. Ka hor intii aan xilka wasiirnimo loo magacaabin waxa uu ahaa hoggaamiyaha malleeshiyo-beeleed si adag uga soo horjeeday qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo la baxay SSC, kuwaas oo marar badan dagaallo khasaare nafeed geystay ku dhexmareen ciidammada qaranka degaannada bariga Sool iyo degmada Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

wasiir Xaglo

 

Waan-waan iyo wadahadallo shuruudo ku xidhnaayeen oo muddo u socday isaga iyo dawladda Somaliland oo gogol nabadeed u fidisay kadib, waxa uu aqbalay inuu ka tanaasulo mowqifkiisii hore ee dagaal-oogenimada iyo Somaliland-diidka ahaa, iyadoo isaga iyo wefti uu horkacayey oo reer Buuhoodle ah si weyn loogu soo dhoweeyey magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, waxaanay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, gunaanadkii kulamadaasna waxa loo magacaabay xilkii ugu horreeyey ee uu ka qabtay xukuumadda Somaliland oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta uu ku soo baxay 13 October 2012.

Isku-shaandhayn Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa xukuumadda bishii June ee sannadkii hore, ayaa marka Xaglo-toosiye loo magacaabay xilka Wasiirka Caafimaadka ee uu hadda hayo.

Muddadii uu xilalka wasiirnimo ka hayey xukuumadda KULMIYE waxa lagu tilmaamaa nin cadho badan oo had iyo goor lagu wado sasabo iyo in loo fuliyo wax kastoo uu rabo, isla markaana markasta ku gorgortama malleeshiyo-beeleedkii uu hoggaamin jiray ee ka soo horjeeday qarannimada Somaliland iyo ciidamo caagle ah oo uu lacago badan dawladda Somaliland kaga qaato.

Waa dhallinyaro bashaash ah oo bulshada Somaliland aad u ixtiraamaan, meel kastana lagu soo dhoweeyo oo dad-la-dhaqan iyo akhlaaq fiican leh, waxaannu dedaal u galay sidii degaannada kala duwan ee Somaliland loo gaadhsiin lahaa adeegyada caafimaadka.

Dadka saluugsan ayaa ku xanta nin aan niyad-sami buuxda ku qabin qaranka Somaliland ee uu xilka weyn ka hayo oo uu in badan ka soo horjeeday, had iyo jeerna u hanqal-taaga jabhadayntii iyo duurkii uu dagaallada ugu jiray, balse dantiisa gaarka ah oo keliya u dabran, maadaama malleeshiyo-beeleedkii uu hoggaamin jiray oo aan weli hubka dhigin, isagoo dhawr jeerna la duday cadho, waanwaan kadibna dib loogu soo celiyey Hargeysa.

Haseyeeshee, dadka sida weyn u taageersan ayaa aaminsan inuu yahay xubin muhiimad aad u ballaadhan u leh soo-afjaridda tabashooyinkii shacabka degaannada bariga Sool iyo Buuhoodle muddada dheer ka tirsanayeen dawladda, furena u ah in dadweynaha degaannadaasi wax la qabsadaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa daraadeedna lama huraan tahay in lagu maamuuso, laguna taageero tallaabo kasta oo uu ku soo xero gelin karo malleeshiyooyinka hubka sita ee uu madaxda u ahaa.

Waxa lagu xasuustaa dudmo aan ujeeddada si cad loo ogeyn oo uu laba bilood ka hor kaga cadhooday Somaliland, balse lad-qabo iyo sasabo xubno wasiirro ah kaga daba tageen lagaga soo celiyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo uu doonayey inuu u sii dhaafo dhinaca Buuhoodle.

Guulaha siyaasiga ah ee aan cid kale libintooda la wadaagin waxa ugu muhiimsan inuu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee isagoo metelaya qaranka Somaliland ka badheedha inuu booqasho taariikhi ah hadh cad ku tago degmada Buuhoodle oo hortii masuuliyiinta Somaliland ka caagganaayeen tegisteeda horraantii toddobaadkan, isaga oo ku guulaystay inuu siyaasiga Somaliland-diidka ku caan baxay ee Cali Khaliif Galaydh si degdeg ah uga saaro magaaladaas oo uu ka waday abaabul colaadeed, waxaannu Wasiir Xaglo-toosiye taageero ballaadhan oo siyaasadeed ka helay shacabka reer Buuhoodle oo uu illaa hadda la joogo, isagoo halkaasna ku dhagaxdhigay mashaariic kala duwan oo dawladda Somaliland ka hirgelinayo degaannada Buuhoodle. La soco wasiirka xiga…..

© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin wargeyska Jamhuuriya.

 

XIGASHO: JAMHUURIYA

©SOMALILAND1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: