Hadhimo sharafeed Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan u sameeyey qoraaga, ahna agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar.

Hadhimo sharafeed Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan u sameeyey qoraaga, ahna agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar.

Shalay oo taariikhdu ahayd 21-06-2014, markay saacaddu ku beegnayd 13:30 ayaa sidii ballantu ahayd lagu kulmay hadhimo ay soo diyaariyeen Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan. Kulankaas oo lagu soo dhoweynayey agaasimaha madaxtooyada Somaliland, ahna xubin ka mid ah tiirarka Ururka Qorayaasha,  Xasan Cabdi Madar.

 

https://somaliland1991.files.wordpress.com/2014/06/dcdbb-dsc03341.jpg

Ilaa bilawgii ururka Xasan waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee si gaar ah iyo si guudba wax badan ugu soo kordhiyey ururka. Xasan waxa uu qoray buugaag farabadan, waxaana ka mid ah: “Sirta guurka”, “Barbaarsame”, Hiil iyo Nabaadiino. Qoraalada gaarka ah ee xikmaddu ku lingaxan-tahay aad bay u badan yihiin. Sannadihii ugu danbeeyeyna waxa uu hayey xilka agaasinka madaxtooyada Somaliland oo uu ilaa imminka hawsheeda mas’uulnimo hayo.

 

Xubnaha ururka ee shalay kulanka ka qayb qaatay waxa aya kala ahaayeen,

https://somaliland1991.files.wordpress.com/2014/06/cff9d-dsc03346.jpg

Guddoomiyaha Ururka Qorayaasha ee Iswidhan Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey), Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan, Cumar Xaaji Bile Adan, Maxamed Xirsi Guuleed, Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Airline). Waxa lagu soo sharfay kulankaas odayaal ka mid ah odayaasha reer Stockholm oo ay ka mid ahaayeen Ibraahin Maxamed Cigaal (Xuble), Maxamed Xaaji Ismaaciil, Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Iswidhan), Inj. Maxamed Ibraahin (Maxamed Dheere), Axmed Yuusuf Abokor iyo Ismaaciil Shafeec.

https://somaliland1991.files.wordpress.com/2014/06/a5f9b-dsc03330.jpg

Kaftan iyo sheeko dabadeed, waxa hadalka bilaabay guddoomiyaha ururka oo ku soo dhoweeyey Xasan Cabdi Madar, sheegayna in Xasan uu ka mid yahay ururka Qoraaga Somaliland. Maadaama oo uu ka mid ahaa, maantana uu xil muhiim ah hayo in ay ururka oo dhan u tahay sharaf. Kadib waxa lagu soo dhoweeyey Cumar Xaaji Bile Adan, oo si qoto dheer uga warramay hawlaha ururka, tibaaxayna in ururku uu in dhoweyd soo saaro warside, la magac baxay ALIF oo saddexdii biloodba hal mar soo baxa. Loona baahanyahay in dhammaan qoysaska soomaalida ee deggen Iswidhan soo dalbadaan oo uu gurigooda ugu yimaaddo. Waxa kaloo si mug leh uga warbixiyey ururka Maxamed Xirsi Guuleed. Erey guubaabo iyo talo ba isugu jirey ayuu Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan, isaguna si faahfaahsan ula wadaagay kulankii shalay, oo ku bilaabmay jawi aad u fiicnaa.

https://somaliland1991.files.wordpress.com/2014/06/afcf7-dsc03335.jpg

Intaa ka dib, waxa si goos-goos ah loo wadaagayey warbixinno iyo talooyin ku socday UQS, talooyinka wax ku ool-ka ahaa waxa soo jeediyey Ibraahin Maxamed Cigaal, Jaamac Maxamuud Cumar, Maxamed Xaaji Ismaaciil iyo Inj. Maxamed Ibraahin. Hadallo markii danbe u ekaa dood-wadaag baa dhex maray odayaashii iyo qorayaashii madasha ku kulmay. Waxa ay dooddu salka ku haysay qoraal yarida dadkeenna. Waxa hadalku u dhacayey, urur ahaan wax faa’iido leh qora iyo odayaal ahaan, maxaa idinku wax u qori la’dihiin. Tusaale odayaasha goobta fadhiyey waxa ka mid ahaa saddex soo maray wasaaraddii arrimaha dibedda, kana soo shaqeeyey safaaradaha dibedda. Ibraahin Maxamed Cigaal (Xuble) lix sannadood buu joogay safaaraddii soomaalida ee USA, laba sannadood ayuu dalkii la odhan jiray USSR uu safaaradda soomaalida gacanta ku hayey. Waa labadii dal ee awoodda dunida kala sheegan jiray.

https://somaliland1991.files.wordpress.com/2014/06/6d560-dsc03340.jpg

Cumar Xaaji Bile Adan oo ka soo shaqeeyey safaarado badan oo ay ka mid ahayd tii Shiinaha, Tansaaniya iyo Biljimka ayaa goobta fadhiyey. Jaamac Maxamuud Cumar (Foodyacay) oo ku caan ah Jaamac Iswidhan, waxa uu ka soo shaqeeyey muddo dheer safaaradda soomaalida ee Iswidhan. Dhan kastana guubaabo, qoraalka ah ayaa la isla qaatay. Maxamed Xaaji Ismaaciil, ayaa erey muhiim ah dooddii ku soo afmeeray, oo yidhi: Qofka wax qora, inta badan waa qof ay u fududdahay oo xiiseeya wax-qoraalka, ee dadku wax ma wada qoraan. Waase laga qoraa, qofka wax badan haya ee lagu tuhmayo. Waxa isna erey kooban oo guubaabo ahaa ka yidhi Axmed Yuusuf Abokor. Waxana lagu soo gunaanaday warbixintii agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar, oo markii danbena la weydiiyey dhawr su’aalood oo uu si faahfaahsan uga jawaabay. Waxaana farriintiisa guud ahayd, oo uu odayaashana gaadhsiiyey farriin ah, in reer Iswidhan laga sugayo deeqdii ay ugu baaqeen dawga Ceerigaabo.

Ururka Qorayaasha Somaliland, waxa uu farriin guud iyo mid gaar ah ba u gudbiyaa, in xukuumaddu xoogga saarto diiwaanka-qaranka. Dal aan lahayn diiwaan, waa dal aan jirin. Hay’adda diiwaanka qaranku waa ta ugu muhiimsan, marka laga hadlayo dal iyo qaranimadiisa, jiritaankiisa ka awoow ka awoow. Dhaqan, suugaan iyo taariikhba waa hay’ad koobsan lahayd waxkasta oo dhaxal u ah dalka iyo dadkaba. Ilaa maalinkaa maanta ah, ma jirto diiwaan qaranku leeyahay oo magacaa huwan. Waa farriin ururku hawada u marinayo xukuumadda,  siina fari doona agaasimaha madaxtooyada Xasan Cabdi Madar.

Bahda Ururka Qorayaasha ee Iswidhan

22-06-2014, Axad /Stockholm/Iswidhan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: