ururka qoraaga Soomaalilaand kulan qado-sharaf ah la qaatay guddoomiyayaasha labada jaamacaddood ee Camuud iyo Hargeysa

ururka qoraaga Soomaalilaand  kulan qado-sharaf ah la qaatay guddoomiyayaasha labada jaamacaddood ee Camuud iyo Hargeysa

2

Sweden(OWN)Shalay oo ay ku beegnayd 20 bishan Juun sannadkan 2014, waxa uu ururka qoraaga Soomaalilaan  kulan qado-sharaf ah la qaatay guddoomiyayaasha labada jaamacaddood ee Camuud iyo Hargeysa. Qado-sharaftan sida heerka sare ah u dhacday ayaa ka qabsoontay magaalada Stockholm ee waddanka Iswiidhan. Kulan si wacan loogu ballansannaa buu ahaaye, markii laga soo baxay salaaddii jimce ayaa goob bilicsan oo ballanku ahaa waxa si qiime leh ururku wakhti qaali ah la qaatay labada guddoomiye.

Ugu horrayn waxa erey soo-dhawayn ah madasha ka jeediyay mudane Jaamac Iswiidhan oo ka mid ah odayaasha jaaliyadda Soomaalilaan ee Stocholm, kana mid ah bahda qalinlayda. Intaa kadib waxa isna hadalkii la wareegay Dr  Nuux Ismaaciil oo ah xubin ka tirsan ururka qoraaga Soomaalilaand, kuna hadlayay magaca ururka. Nuux ayaa si sharaf iyo maamuus ku jiro u soo dhaweeyay labada guddoomiye, isaga oo u sheegay in ururka qoraaga Soomaalilaan laantiisan Iswiidhan si weyn ugu faraxsan tahay la kullankooda, aadna uu ururku u xiisaynayo la shaqaynta labada jaamacadood. Intaa kadib Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ) oo ah xoghayaha ururka ayaa warbixin kooban ka bixiyay taariikh iyo waxqabadka ururka qoraaga Soomaalilaan, gaar ahaan laantiisan Iswiidhan oo ah halka ugu badan ee ay ka soo baxaan buugaagta afka soomaaliga ku qorani.

Intaas ka dib waxa hadalkii la wareegay guddoomiyaha jaamacadda Camuud borofisoor Sulaymaan Axmed Guuleed. Sulaymaan ayaa xogwaran dhammaystiran ka bixiyay jaamacadda uu hoggaanka ka yahay iyo guud ahaan xaaladda waxbarasho ee dalka, waxaanu si weyn ugu dheeraaday sidii ay ku bilaabmantay jaamacadda Camuud iyo waayihii ay bilowgii la soo mareen jaamacadda. Sidoo kale waxa uu Sulaymaan ururka qoraaga la wadaagay taariikhda guud ee waxbarasho ee Soomaalilaan.  Dhanka kale waxa isna hadal qiimo badan madasha ka jeediyay guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa diktoor Cabdi Xuseen Gaas. Guddoomiye Cabdi waxa uu isna sidoo kale si mug leh uga hadlay waayaha waxbarasho ee Soomaalilaan iyo gaar ahaan hawsha ay jaamacadda Hargeysi dalka u hayso, waxaanu caddeeyay sida ay ugu heelan yihiin in ay xidhiidh aqooneed la yeeshaan qurbajoogta iyo waliba cid kasta oo wax ku soo kordhinaysa waxbarashada dalka.

2

Gebogebadii kulanka   ayaa ururka qoraagu buugaag kala duwan iyo warsidaha Alif  guddoonsiiyay labada masuul.  Waxaanu sidoo kale ururka qoraagu u soo jeediyay labada jaamacadood in ay xoogga saaraan sidii  ay ardayda ugu dhiirrigelin lahaayeen kor u qaadidda akhriska iyo qoraalka iyo waliba in ay ardaydu qayb laxaad leh ka qaadato kaydinta iyo ururinta taariikhda dhaxalgalka ah ee waddanku leeyahay. Tusaale ahaan in arday kasta oo jaamacadda ka baxaya waajib looga dhigo in uu wax ka qoro taariikhda bulshada laamaheeda kale duwan. Tusaale ahaan  in ay ardayda cilmiga bulshada barataa ururiso taariikhda haldoorka dalka iyo taariikhda dhaqan-dhaqaale ee bulshadeenna iyo waliba in ardayda sayniska barataa iyana ururiyaan aqoonta deegaanka.

 

pic

Waxa sidoo kale xusid in ururka qoraagu uu kullan kan la mid ah uu  la qaatay aqoonyahan Siciid Axmed Xasan, oo ah guddoomiyaha jaamacadda Gollis. Kullankan ayaa magaalada Stockholm ka dhacay 13 bishan Juun sannadkan 2014.

Ururka qoraaga Soomaalilaan laantiisa Iswiidhan

2014-06-21

Stockholm, Sweden

4 3 2 1

 

4

3

 

Ururka Qoraaga Somaliland

Somaliland Writers Association

WWW:QORAAGA.COM

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: