Taariikh-nololeedka Ciyaaryahankii Xulka Hargeysa ee Dheereeye oo Geeriyooday

Taariikh-nololeedka Ciyaaryahankii Xulka Hargeysa ee Dheereeye oo Geeriyooday

August 21, 2014 – Written by Ali jaamac

Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Axmed Maxamed (Dheereeye) waxa uu ka mid ahaa xiddigihii kooxda kubadda cagta ee Gobolka Hargeysa sannadihii siddeetamaadkii.

Sawirrada marxuum Dheereeye oo la dhashay saddex carruur ah iyo aabbihii Axmed Maxamed

Haddaba, waxa aynnu qormadan ku soo bandhigi doonnaa taariikh-nololeedkii marxuum Dheereeye. Waxa uu ku dhashay xaafadda Geed-goble ee caasimadda Hargeysa sannadkii 1959kii. Aabbihii waxa uu ahaa dadkii la soo shaqeeyay mustacmaraddii Ingiriiska, waxaannu madax ka noqday waaxdii isgaadhsiinta ee maamulkii gumaystaha ee Somaliland ka talinayey ka hor 1960-kii, waxaannu aabbihii geeriyooday isagoo aad u yar, da’diisuna ahayd 9 jir.

 

Waxbarashadiisii qur’aanka waxa uu ka bilaabay malcaamad ku taallay xaafadda Geed-goble, waxana naanaysta Dheereeye ee uu caanka ku ahaa u bixiyey macallinkii malcaamadda u bilaabay oo la odhan jiray Aw Xasan.

Xiddigihii Ciyaaryahannada reer Hargeysa ee sannadihii siddeetamaadkii

Madrasadda wuxuu ka ahaa inamada ugu sarreeya xagga aqoonta ee mar walba imtixaanka ku guulaysan jiray kaalinta koowaad amma labaad. Yaraantiisii waxa uu aad u jeclaa ciyaarta kubbadda cagta oo heer lagu xasuusan karo ka gaadhay. La soco qaybo kale oo ka mid taariikh-nololeedka marxuum Dheereeye…..

 

Xigasho: Jamhuuriya

Somaliland1991

Leave a comment