Madaxweynaha Somaliland oo digreeto ka soo saaray Ciidanka Cusub ee Ilaalinta Goobaha Shidaalka

Xogo Sharraxaad Dheeraad ah ka Bixiyey Ciidanka Cusub ee Ilaalinta Goobaha Shidaalka oo Lagu Aasaasay Xeer Madaxweyne


 

Sunday, September 28, 2014 05:23:41
Kharashka ku baxaya ciidan Madaxweyne Siilaanyo xeer ku dhaqan-galiyey xalay iyo doorka shirkadaha shidaalku ku yeelanayaan iyo qaabka loo maamulayoMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xeer madaxweyne ku aasaasay ciidan cusub oo loogu talogalay ilaalinta ammaanka goobaha laga wado hawlaha shidaal-baadhista degaannada dalka, ciidankaasoo sidoo kale ilaalin doona amniga shirkadaha shisheeye ee hawshaas fulinaya wada dalka.

Shirkadaha ajnebiga ee hawlaha sahaminta iyo baadhista shidaalka ka waday deg

aannada bariga dalka, ayaa si ku-meel-gaadh ah u hakiyey hawlahoodu ay, kuwaasoo qorshaystay inay hawlahooda dib u bilaabaan marka dawladda Somaliland samayso ciidan gaar u ah ilaalinta ammaanka shirkadaha iyo goobaha shidaalka, kuwaasoo hore loogu heshiiyey diyaarintooda.

Haddaba, iyadoo la fulinayo heshiiskaas hore waxa Madaxweyne Siilaanyo soo saaray xalay xeer madaxweyne

 

oo lagu aasaasay Ciidanka Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit), kaasoo laga dhex xuli doono ciidammada millatariga iyo booliska ee Somaliland.Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa lagu sheegay in ciidankaasi hoos tagi doono booliska Somaliland, lana shaqayn doono Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/0

92014 ku abuuray aasaasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.

Madaxweynuhu markuu arkay qoddobadda 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu aasaasay saddexda ciidan qaran. Markuu arkay faqradda 4aad ee qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka. Markuu arkay Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011. Markuu arkay faqradda 4aad ee qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegaya in khayraadka dabiiciga ah ee dalka ay mas’uul ka tahay dawladda dhexe.

Markuu tixraacay dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo ilaalintiisa.

Markuu garawsaday baahidda loo qabo xoojinta amniga goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan sahaminta iyo soo-saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Wuxuu go’aamiyey aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Millateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaad Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.Dhinaca kale, warbixino kala duwan oo wargeyska Jamhuuriya helay, ayaa muujiyey in dawladda Somaliland go’aansatay aasaaska ciidanka ilaalinta goobaha shidaalka iyo shirkadaha ajnabiga ah bishii October 2013, kadib markii Shirkadda Genel Energy si ku-meel-gaadh ah u hakisay hawlihii ay ka waday Somaliland bishii September 2013 sababo dhinaca ammaanka la xidhiidha awgood, iyadoo wadahadalo Somaliland iyo shirkadda Genel Energy xilligaas dhexmaray la iskula qaatay samaynta ciidanka ilaalada goobaha shidaalka (Oil Protection Unit).

Xogo warbaahinta caalamku si yaabo kala duwan u baahisay xilliyo kala duwan, ayaa tilmaamay in ciidanka loogu tallogalay ilaalinta goobaha shidaalka Somaliland iyo shirkadaha ajnabiga ah ee hawlaha baadhista wada ay qorshihiisa iyo qaab-dhismeedkiisaba dejiyey Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska, lana yidhaah ASSAYE RISK oo shaqadeedu tahay la-talinta arrimaha ammaanka la xidhiidha, waxayna shirkadaasi muujiyey in ciidanka OPU (Oil Protection Unit) marka hore lagu bilaabo ilaa 420 askari, kadibna tiradiisa la gaadhsiiyo ilaa 580, kuwaasoo u kala bixi doona lix qaybood oo maamulkoodu hoos tagi doono wasaarada daakhiliga Somaliland oo la shaqayn doonta shirkado dhinaca ammaanka qaabilsan oo ay kiraysteen shirkadaha hawlaha shidaalka ka wada Somaliland.

blocks

Sida ku cad warbixinaha Jamhuuriya arkay, Shirkaddaha shidaalka, gaar ahaan shirkadda Genel Energy, kana diiwaangashan dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa ballanqaaday inay bixinayso kharashka ku baxaya dhismaha iyo maamulka ciidanka ilaalinta goobaha shidaalka ee Somaliland (Oil Protection Unit), kharashkaasoo xadigiisu noqonayo sannadkii lacag dhan $20 milyan ilaa $25 milyan oo dollar, kharashkaasoo loogu tallogalay in lagu bixiyo dhismaha ciidankaas iyo mushaharooyinka bil kasta ee hawshaas wadda.

Shirkadaha hawlaha shidaal-baadhista ka wada Somaliland, shaqadoodana u hakiyey diyaarinta ciidankaas, waxa ka mid ah shirkadaha Genel Energy, Shirkadda RAK Gas oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, Shirkadda DNO oo ka diiwaangashan waddanka Norway iyo shirkadda laga leeyahay dalka Yemen ee Ansan Wikfs, kuwaasoo sida la sheegay qayb ka ah dedaalada lagu samaynayo ciidanka madaxweyne Siilaanyo ku aasaasay xeerka madaxweyne xalay oo loo qorsheeyey inuu ilaaliyo ammaanka shirkadaha shidaalka iyo goobaha hawlaha baadhista laga wado ee Somaliland.

Xigasho: Wargayska Jamhuuriya

Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: