Wefti Culus oo Dawladda Ingiriiska ka Socda oo Safar Qarsoodi ah ku Yimi Somaliland

Wefti Culus oo Dawladda Ingiriiska ka Socda oo Safar Qarsoodi ah ku Yimi Somaliland

October 21, 2014 – Written by Ali jaamac

Madaxtooyada Somaliland oo markii weftiga Ingiriiska ah ku laabtay Nairobi warsaxaafadeed ku faahfaahisay ujeeddada weftiga iyo qodobada la isla falanqeeyey

·        Haweenayda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan UK oo hoggaaminaysay weftkiga safarkiisa la qariyey, farriinta ay siday iyo arrimaha ay la shir timi

·        Nuxurka qodobo Madaxweyne-ku-xigeenka u gudbiyey weftiga Ingiriiska

Hargeysa (Jam)- Wefti culus oo ka socda dawladda Ingiriiska, ayaa safar qarsoodi ah oo aan hore loo shaacin ku yimi caasimadda Hargeysa shalay, kuwaasoo kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan.

 

Saylici iyo UK weft

Weftigan oo ay hoggaaminaysay haweenayda dawladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah Ms. Lynne Featherstone, waxa ujeedada socdaalku khuseeyey sidii ay xaqiiqo-raadin iyo xog-ogaal ugu noqon lahaayeen mashaariicda ka socda Somaliland ee lagu maalgeliyo cashuuraha dadweynaha Ingiriiska ah bixiyaan iyo sidoo kale arrimo la xidhiidha cilaaqaadka u dhexeeya Somaliland iyo dawladda UK.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland gelinkii dambe ee shalay, kadib markii weftigu dhamaysteen safarkooda qarsoodiga ah, kuna laabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wadahadleen qodobo ay ka mid yihiin taageerada dawladda UK siiso Somaliland, qaabka xukuumadda Siilaanyo u awoodi karto maamulka dakhliga soo gala iyo joogtaynta mashaariicda.

“Ms.Featherstone (kaaliyaha Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee UK) waxay xooga saartay muhiimada dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dawladda Somaliland and ansixinta shan xeer oo hawshaan la xidhiidha, loona baahan yahay in baarlamaanka iyo xukuumaddu ka hawlgalaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooda, iyadoo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre u sheegay weftiga Ingiriiska inay xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa maamulka dakhliga dawladda.

Waxa wasiirku tilmaamay in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay inay warbixin buuxda ka diyaariyaan hawlahaas Ingiriisku danaynayo marka la isugu yimaad kulan heerkiisu sareeyo oo khuseeya iskaashiga gargaarka la siiyo Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka jawaabay qodob weftiga Ingiriisku soo qaadeen oo la xidhiidha awooda xukuumaddu u leedahay maamulka maaliyadda dawladda, waxa uu tilmaamay in xukuumaddu hawlahaas maamulkooda awood u buuxda u leedahay, isla markaana ay dawlad ahaan saddex-laabeen dakhliga dawladda oo xadigiisu dhamaa $ 47 milyan oo dollar markii ay xilka la wareegeen sannadkii 2010, isla markaana miisaaniyadda dawladda ee la qorsheeyey sannadka 2015 ay dhan tahay $180 milyan oo doollar.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegaay, haweenayda UK u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah, ayaa muujisay dareenkeeda la xidhiidha in Somaliland ka qaybgasho shirka lagu qabanayo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, kaasoo lagaga hadlayo kaalmada Soomaaliya.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre ayaa weftiga Ingiriiska u sheegay in aanay dawlad ahaan ka qaybgalayn shirkaas, maadaama uu yahay mid u gaar ah dawladda Soomaaliya.

“Dr. Sacad Cali Shirre, waxa uu sheegay inuu wada-xaajood wax-ku-ool ah magaalada Copenhagen kula yeeshay masuuliiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Denmark toddobaadkii hore, hawlaha maamulkooda hadda la wado oo ay wadajir u shir-guddoominayaan dawladda Soomaaliya iyo Qarammada Midoobay, kaasoo aanay Somaliland ka qaybgeli doonin. Xukuumadda Somaliland waxay diyaarinaysaa warbixin waxqabad ah, kaasoo lagu soo bandhigi doono kulanka iskaashiga gargaarka oo qabsoomi doona 3 ilaa 4 November 2014, kaasoo ay wada jir u qabanayaan daneeyayaasha Somaliland iyo beesha caalamka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka luuqada Ingiriisiga ku qoran ee madaxtooyada ka soo baxay oo Jamhuuriya u turjumay Afsoomaali.

Saylici iyo UK delagation

 Weftiga ka socday dawladda Ingiriiska ayaa sidoo kale ka xukuumadda kala hadlay horumarka laga sameeyey sinnaanshaha ragga iyo dumarka ee hawlaha qaranka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka, waxaanna hawlahaas weftiga UK uga warrantay Wasiirka Horumarka Reer Miyiga iyo Degaanka Marwo Shugri Baandare, iyadoo xustay in xukuumadda Somaliland si dhab ah uga go’an tahay inay wax ka qabato gudniinka fircooniga ah, kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa weftiga u sheegay in madaxweyne Siilaanyo jecelyahay in kuraasi kooto ah loo xidho dumarka si ay uga qaybqaataan talada dalka, balse ay hawshaas laba jeer horjoogsadeen baarlamaanka Somaliland.

Weftiga ka socday dawladda UK, ayaa xukuumadda ku dhiirigeliyey inay doorashooyinka ku qabtaan waqtiga loo qoondeeyey, iyadoo madaxweyne-ku-xigeenku ballanqaaday in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadooda, waxayna dawladda Ingiriisku ballanqaaday inay taageero ka gaysanayso hawlaha loogu diyaargaroobayo qabsoomida doorashooyinka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sida warsaxaafeedka lagu sheegay ka codsatay dawladda Ingiriiska inay taageerto wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ka mid noqoto dalalka ka qaybgalaya dhexdhexaadinta labada waddan, loona baahan yahay inay goob-joog ka noqdaan miiska Somaliland iyo Soomaaliya ku wadahadalayaan ee dalka Turkiga.

 Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-simaha madaxweynaha Somaliland, ayaa gunaanadkii kulankaas u gudbiyey weftiga Ingiriiska qodobo ay ka mid yihiin in taageerada dhaqaale si gaar ah loo siiyo Somaliland, loona qoondeeyo sanduuq u gaar oo aan laga ansixin, lana soo marin Muqdisho, lana kordhiyo kharashka dhaqaale ee loogu deeqo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF).

Waxa kaloo madaxweyne-ku-xigeenku ka codsaday weftiga dawladda Ingiriiska ka socday in dhaqaale xooggan lagu taageero mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, kaasoo uu xusay inay qayb ka qaadan karaan koboca dhaqaalaha Somaliland, isagoo sidoo kale codsaday in dawladda Ingiriisku ka qaybgasho wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Weftiga ka socday dawladda Ingiriiska ee safarka qarsoodiga ah ku yimmi Somaliland, waxa hoggaaminaysay haweenayda kaaliyaha Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee UK Ms. Lynne Featherstone, Safiirka Somaaliya ee UK Ambassador Neil Wigan iyo saraakiil ka socday xafiiska Horumarinta Caalamiga ee UK, Halka ay madaxweyne-ku-xigeenkana ku wehelinayeen kulankaas Wasiirrada Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shirre, Horrumarinta Deegaanka Marwo Shugri Baandare, Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Md. Mawliid Maxamed.

Xigasho: Jamhuuriya

Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: