Wefti ka socda dalka Ethiopia oo wasiiro ah ayaa Somaliland booqasho ku yimid

 

 

Maantana waxa ay soo booqdeen dekadda weyn ee caalamiga ah, Berbera, Somaliland

DSC_0170

Weftigii ka socday Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia ayaa maanta waxay Kormeer ku soo mareen Gobolka Saaxil iyo Gobolka Gabiley gaar ahaan Wajaale.

Sida ay warbaahintuba ka war haysay waxa dalka ku sugnaa weftigii abadi ugu balaadhnaaa oo ka socda Dalka aynu jaarka nahay ee wada shaqaynta iyo xidhiidhka qotada dheeri inaga dhexeeyo ee Ethiopia, Weftigaasi oo saaka ka kicitimay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaa hogaaminayeena wefti culus oo wasiirada xukuumada ka tirsan, kuwaasi oo abaaro 10-kii Subaxnimo gaadhay Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera, oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta gobolka saaxil gaar ahaan Badhasaabka Gobolka Fahmi Cabdi Bidaar, Maayarka Magaalada Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin), Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac , maareeyaha Haamaha Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Xoghayaha Dawlada Hoose Suhayb, Maamulaha Kastamka Berbera, Maxamed Cabdi Gurxan, masuuliyintaasi oo dhamaantood ku soo dhaweeyey weftiga gobolka hadalo mahadnaq iyo soo dhawayn ahna ka jeediyey kulan nasasho ah oo ka dhacay Xafiiska Maareeyaha dekeda oo uu ku sii sime ka ahaa maareeye ku xigeenka dekeda Cumar Abokor, safar shaqo oo maareeyihii guud dalka kaga maqan yahay awgeed, ka dib weftigaasi waxay ugu horaynba kormeer indha-indhayna ku soo mareen guud ahaan dekeda berbera oo ay socod lug ah ku soo mareen goobkasta oo shaqo ka socoto.

Waxa kale oo ay soo kormeereen Dekeda Cusub ee laga hirgeliyey dekedii hore agteeda oo hada dhamaad ku dhaw laguna jiro xaal-xaalkii ugu danbeeyey oo runtii ah mid aad looga shaqeeyey laguna fara-yaraystay kana muuqdo dedaal dheeraada markaad aragto mudada kooban ee lagu dhamaystiray, noqondoontana deked caalamiya oo wadamada jaarku ay isku halayn karaan isticmaalikaraana wax weynaha ku soo kordhin doonta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Intaasi ka dibna waxa ay kormeer ku soo mareen Haamaha shidaalka berbera iyada oo ay socod dheer ku soo mareen guud ahaan goobaha muhiimka ah ee ay ku tamariso kuna shaqayso wakaalada haamuhu, iyada oo ay warbiximo ka siinayeen weftiga Maareeyaha haamaha shidaalka Sheekh Saleebaan iyo Engineer-ada aqoonta u leh xirfadan haamaha mudada dheerna ku soo dhexjiray, kormeerkaasi oo ay barbar socotay hawl shaqo oo baaxad leh oo dib u habayn, balaadhan iyo qurxin lagu sameeyey Barxada weyn ee Haamuhu ku fadhiyaan, oo mudooyinkii u danbeeyey uu ka waday maareeyaha haamaha shidaalku.

Iyaga oo uga sii gudbay weftigu dhinaca Som-Gas oo iyada ay mudo 18 Bilood ah ka socotay habaynta iyo kicinta wakaaladaasi balse hada lagu guulaystay dhamaadna ay ku dhaw dahay.

Sidoo kale waxa looga sii gudbay socdaalkaasi dhinaca madaarka Berbera oo ay weftigu ilaa Runway-ga soo kormeereen ka dibna ay ku soo laabteen dhismayaasha quruxda badan ee laga hergeliyey gudaha madaarka iyaga oo uu warbixino ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Sidoo kale waxa weftiga lagu soo dhaweeyey Guriga Martida ee Berbera oo ay Haweenka Now oo ay wehelinayeen Dhalinyaro da’a yar oo ku lebisan Calamada Labada Wadan iyo kuwa hidaha iyo dhaqanka Somaliland ay ku soo bandhigeen ciyaaro dhaqameed aad u raaligelisay weftiga ka dibna waxa halkaasi looga sii gudbay hadhimo sharafeed heersare ah oo loogu talo galay weftiga iyo xubnaha wasiirada ee ku wehelinaayey safarkaasi taariikhiga ah.

Ugu danbayna waxa ay weftigu usoo amba-bexeen dhinaca Gobolka gabiley iyaga oo ujeedadooduna ahayd inay soo kormeeraan Wajaale oo ah halka ay labada dal ay ku wadaagaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia kaasi ah goob ku caana ganacsiga iyo dhaqaalahaba, waana mid ka mid ah xudunta wax soo saarka dhaqaalaha dalka, waana sababta dhalisay inay weftiga miisankaasi lihi ay indhaha ka soo qaadaan.
Xubnaha Xukuumada ee weftiga Dalka Ethiopia ku wehelinaayeeyey Safarka
1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis
2. Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cumar
3. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire
4. Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale
5. Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
6. Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed
7. Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi
8. Wasiiru-dawlaha Maaliyada Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)
9. Ambassador Ayaanle Salaax Diiriye
10. La taliyaha Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah ee Madaxweynaha Amb. C/Fataax Siciid Axmed

Dhinaca Weftiga Ethiopia oo ka kooban 12 Xubnood waxay kala yidhiin sidan
1. H.E Ato Sufian Ahmed, Minister, Ministry of Finance and Economic Development
2. H.E Ato Workneh Gebeyehu, Minister, Ministry of Transport
3. H.E. Ahmed Shide, State Minister, MoFED
4. H.E. Ato Ahmed Tussa, Director, Maritime and logistics services
5. Dr. Getachew Betru, Director General, National Railway Corporation
6. Amb. Solomon Abebe, Director General, African Affairs, Ministry of Foreign Affairs
7. Ato Kokeb Misrak, Director, Bilateral Coorperation, MoFED
8. Ato Wassihum Abate, Director, Legal Service, MoFED
9. Ato Bekele Negussie, Deputy Director General Ethiopian Road Authority
10. Ato Brigadier General Berhe Tesfaye, Ethiopian Ambassador to the RSL
11. Member from the Ethiopia Embassy
12. Member from the Ethiopian Embassy

Kormeerkaasi gobolada ka dib waxa ay ku soo laabteen caasimada Hargeysa oo ay kulan Casho sharaf ah la yeesheen Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo uga mahadnaqay weftiga iyo dawlada Ethiopia sida sharafta iyo karaamada leh ee ay weftigan miisaanka Culus ugu soo direen Somaliland si ay indhaha uga qaadaan horumarka ay ku talaabsatay Somaliland mudooyinkii u danbeeyey, ha noqoto dhinaca ganacsiga, dhinaca nabadgelyada, iyo adeega bulshadaba, isaga oo Madaxweynuhu xog-waran ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo ta geeskaba.

Xubnaha weftiga oo iyana madaxweynaha, xukuumada iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnqay sida xushmada iyo qadarinta mudan ee loo qaabiley looguna soo wareejiyey qaybo ka mida gobolada dalka ayaa ku dheeraaday sida ay ula dhacsan yihiin xaalada guud ee xorumarineed ee ay ku talaabsatay Somaliland iyaga oo shacab iyo xukuumadba ku Hambalyeeyey dedaalka ya gaadheen kuna horumariyeen wadanka Somaliland.

DSC_0006

DSC_0011

DSC_0022

DSC_0043

DSC_0045

DSC_0049

DSC_0051

DSC_0068

DSC_0078

DSC_0081

DSC_0083

DSC_0091

DSC_0095

DSC_0098

DSC_0114

DSC_0124

DSC_0127

DSC_0131

DSC_0145

DSC_0170

DSC_0176

DSC_0186

DSC_0191

DSC_0193

DSC_0198

DSC_0205

DSC_0243

DSC_0248

DSC_0258

DSC_0266

DSC_0278

DSC_0356DSC_0363

DSC_0367

DSC_0371

DSC_0376

DSC_0378

DSC_0385Somalilandnation.net
Hargeisa/Office

2014-11-13

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Name *

Website

Comment

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: