Daawo Sawirro badad Xukumadda dalka Kuwayt oo xarun oo casri u dhistay carruurta agoomaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

Xukumadda dalka Kuwayt oo xarun oo  casri u  dhistay carruurta agoomaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

aruntan oo ah xarun loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo ubadka/carruurta agoomaha ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Xaruntan ay dawladda Kuwayt u dhisaty carruurta reer Somaliland ee agoomaha ah ayaa noqonaysa xarrunta ugu weyn ee carruur agoomaha lagu xanaaneeyo ee dalka Kuwayt ka dhisto qaaradda Afrika. Waxa ay farxad weyn u tahay carruurta agoomaha reer Somaliland, dawladda Somaliland iyo shacabka guud ee Somaliland. Waa xarun iskugu jirta.

Goobihii ay seexanayeen, ku cuntaynayeen, ciyaarayeen, wax ku dhiganayeen iyo Misaajid ay ku cibaadaysan doonaan insh. Waxaa maanta goobtan xadhiga ka jaray, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ee sida dimuqraadiyadi ku jirto ay u codeeyeen 50.5%  shacabka Somaliland. Waxaa kaloo iyaga ay madaxweynah jamhuuriyadda Somaliland xaruntan ay xadhiga ka wada jareen, Wufuud culus oo ka socodtay xukumadda dalka Kuwayt. Dawladda Somaliland ayaa xafladdan xadhig-ka jaridda xarunta agoomaha Somaliland ku casuumtay in ay kal soo qaybgalaan dalalka jaarka ee ay Jabuuti ka mid tahay. Waxaana shalay wefti uu hogaaminayo wasiirka diintaiyo awqaafta ka soo degay , madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport. Halkaas oo weftigaa Jabuuti si fiican loogu soo dhaweeyey, wasiiro dhawr ah oo ka tirsan xukumadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Weftigaas oo ay ka mid ahaayeen, la taliyaha madaxweynah Jabuurti, safiirka dalka Jabuuti u fadhiyi doona dalka Jmahuuriyadda Somaliland, Maxamed.

Xaruntan oo lagu xanaanayn doono inamada agoomaha ah. Dawladda Kuwayt ayaa ballan qaaday in xaruntan mid-la mid ay u dhisi doonaan hablaha iyaguna agoomaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

S. Xaaji Ismaaciil,

Somaliland1991 News Center.

Somaliland1991

KUWEYT-SOMALILAND-3

KUWEYT-SOMALILAND-

KUWEYT-SOMALILAND-5

KUWEYT-SOMALILAND-8

KUWEYT-SOMALILAND-6

KUWEYT-SOMALILAND-4

KUWEYT-SOMALILAND-1

KUWEYT-SOMALILAND-7

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: