Waraysi Gaar Ah : Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Cali Seenyo HCTV

Waa waraysi xiiso leh.  Waxaa jirta odhaah af soomaali ah “”wax walba asalkiisa u noqdaa””

In ka badan 20 sanno ayuu Buubaa iyo qaar kale oo badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland mucaarid waaweyn ku ahaayeen Somaliland, madaxbannaanideeda. Waxaa ka mid ahaa, prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Buubaa oo ahaa kooxdii u ololayn jirtay Somaliweyn. Qofka waxaa la gudboon inta aannu mucaarid noqon, in u daraasaad dheer ku sameeyo  waxan u aaminsan yahay in ay shaqaynayso iyo in kale. Raggan odeyaashi waxa aaminsanaayeen Somaliweyn, muddo dheer.

Maxaa haddaba isbeddekay??

Waa is beddelay waxa weeyi, waxa ay soo arkeen waaqica dhabta ah ee yaalla dalka aynu jaarka nahay ee Somalia. Waxaa weli dalkaas yaalla. Caqligii 1960 ayaa weli meesha yaalla. Haddii ay siyaasiyiintan ama aqoonyahannadan Somaliland ka soo jeeda soo taabteen xaqiiqda dhabta ee meesha taalla, taasoo ah in aad tihiin second citisen. Erayadii Axmed Ismaaciil Samatarna waxaa ka mid ahayd , “Hambo qaadan mayno””.

Waa ilaahay mahadii hadii Ilaahay garannsiiyey maanta waaqica dhabta ah, “” Caws jiilaal waa lama huraan””. ayey soomalaidu tidhaahdaa.. Somaliland baa idin huran, oo wax wax walba idiin ogol/diyaara. Haddii aad leedahay han weyn oo siyaasaddeed. (Madaxweyne) ayaan leeyahay. Haddii aad hankaa leedahayna waxa wax lagu noqdaa shacabkaaga dhexdiisa.

Kuwa kale ee Somaliweyn u ololeyn jirayna, beri ka maalin ayey iska soo noqon oo ay soo taaban doonaan waaqica dhabta. Iyagu waxa ay is yidhaahdeen Somaliland wax ku yeella. Laakiin iyagii bay la godey. Maah maah soomaali ah ayaa tidhaahda,“” Bohol ha qodon, ku dhici doontaana mooyee, haddii se aad qodo ha dheerayn””

Su´aasha isweydiinta lihi waxa Bohol miyaan  lagu ridin kuwii Somaliweyn u ololeeynayey.

prof Nageeye, oo isna ka mid ah kuwa Somaliweyn u ololeeya ayaan waxa aan maqlayey isagoo doodii dhex martay laba koox ee Somaliweyn iyo Somaliland, oo uu lahaa “” waa lana soo garaacay”” aniga iyo Axmed Cali Samatar..

Somaliland1991 News Center

Cabdiraxmaan Siciid

Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: