WAR-SAXAAFADEED-Taariikh: – 27/12/2015 Go’aamo ay soo saartay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo la xidhiidha adkaynta Amniga iyo Nabadgelyada Dalka.

WAR-SAXAAFADEED-Taariikh: – 27/12/2015
Go’aamo ay soo saartay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo la xidhiidha adkaynta Amniga iyo Nabadgelyada Dalka.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JSL oo uu shir-guddominayay Madaxwaynaha JSL, lana qabtay24/12/2015, kana dhacay hoolka shirarka ee Madaxtoyada, ujeedadiisuna ahayd adkaynta nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka iman kara isu socodka, ayaa waxa lagaga dooday qodobada hoos ku xusan:
1) Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,
2) Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,
3) Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,
4) Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,

Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go’aamiyeen qodoban hoos ku xusan.

GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA

1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:

Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:
a) In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.
b) Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper” ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.
c) Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (shan iyo toban Dollar) qofkiiba.

2. Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:
Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:
a) Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama
b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),

Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:
a) In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama
b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama
c) In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.

3. Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo Qul-qulka Tahriibayaasha:

1) Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland ka soo galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku ka soo qaadan karaa dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.
2) Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.

3) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.
4) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu ay iibiyaan sim-card-ka telefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaangeliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.
5) Xukuumadda JSL waxay shacbi weynaha Jam. Somalilandka ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana wada shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacbi weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub isla markaana ay buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku hawlan.
6) Waxa reeban in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kasta oo aan u dhalan dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadato Warqadda Ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku qaato Warqadda Ruqsadda Shaqada“Work Permit”. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.
7) Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan meel marinta iyo fulinta go’aamadan saamaynta ku leh arrimaha nabadgelyada dalka.
8) Iyadoo laga duulayo xaaladaha amniga mandaqada Geeska Afrika, dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Xafiiska Af-hayeenka M JSLs foto.
18 kommentarer
Kommentarer
Siciid Cadnaan
Skriv en kommentar…
Shãrmäké Sūldâñ Yûsüff
Shãrmäké Sūldâñ Yûsüff Ugu horayn waxa mahada kowaad iska leh alle swt mar labaad waxaaan u mahad naaayaaa madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ahmed maxamed adam iyo wasiirkiisa arimaha gudaha mudane dr ali mohamed waran cade siday heeegan ugu jiraaaan sidiii qaranka somaliland u gaadhi lahaaa himilooyinkiiisa
Alle xilkaa ad qaranka u haysaaan ha idiiin fudaydiyo

Gilla · Svara · 1 · 46 min
Fuaad Abdisalam
Fuaad Abdisalam Oo Intan oo Goaan hore umey jirin miyaa Dalka !! Mise Qoladan hada Cusub ayaa Barqo toostay. Cajiib

Eng Maxameddeeq Muuse
Eng Maxameddeeq Muuse 6daas sanadood ee kulmiye dalka ka talinaayey waa goanki ugu fiicnaa ee ay qaateen , hanbalyo hadii la fulinaayo

Gilla · Svara · 1 · 43 min
Kaise Dahir
Kaise Dahir Afhayeen yaanay noqon hadal uunee waa in lagu dhaqmaa oo la dhan galiya waxbadanbay xukuumadu soo saartoo hadan waxba ka hirgalin

Gilla · Svara · 1 · 37 min
Drkhadar Ibrahim
Drkhadar Ibrahim Waa warkii ugu miisaanka cuslaa ee aan ka maqlo xukuumadan hada jirta waayo waxa uu dawo unoqon doona kumanaan ajaanib ah oo dalka buux dhaafiyay anigu waxan ban islahaa deyrow dalka aakhirutaanka waa inalagala wareegi doonaa sidii boqortooyadii mesobotamia oo kale

Gilla · Svara · 1 · 21 min
Essa Abdirizak
Essa Abdirizak Oromada uun naga saara reer koonfurku ha iska joogane..oromadaasa fool xuma ku hysa magaalade…
Dadka bilicda wax yeelaya ee dawarsiga dadka ku waalay halaga saaro dalka

Maxmed Mulac Abdilahi
Maxmed Mulac Abdilahi Mashallah waan sugayey in ay xukumadu talaabadan qaado illaahay khayr ha inooga dhigo inshallah

Dhamac Ibraahim Cabdullaahi
Dhamac Ibraahim Cabdullaahi walaaahi waan soo dhawaynayaa fikirkaas iyo go’aamadaas maansha allah hilaahayo si nabad galyaa ku hirgalin oo somaliland ka yeel guri lagu nasto lagu reeyo cadawgeedana ka indhasaab horumarkeeda

Drsaed Royal Martiilaaq
Drsaed Royal Martiilaaq waaa arin aad uwanaagsan runtii wanaan soo dhawaynayaa ee halagu dhaqmo shuruudahan sida ugu dhakhsaha badan ee ugu fiican

Cabdisalan Jibriil Qanciye
Cabdisalan Jibriil Qanciye maansha alah waa fikir fiican hadii sidaa loo qoray loogu dhaqmo waxanan odhan lahaa kow waa in laga bilaabaa dadka ethopianka ahee alaabata la wareega bedelaysha

CabdiRisaaq Salebaan
CabdiRisaaq Salebaan maasha allaah dadka iyo dalkuba way fufudaan lahaayeen

Mohamed Cabdiraxmaan
Mohamed Cabdiraxmaan Masha allah JSL kor Kor ..

Axmed Suleiman
Axmed Suleiman Jamhuuriyadda Soomaalida.Visa översättning

Wardi Bulbul
Wardi Bulbul Shaqo wacan

Abdihakem Elmi
Abdihakem Elmi Waa goaan fiican hadii lagu dhaqmo

Abdiqani Egeh
Hamdi Muse
Nabadoon Eidleh
Nabadoon Eidleh Hudheelada iyo Simkaadhka ayaa iga Yaabisay…lol

Advertisements

Wow! This retired UP postmaster builts a Taj Mahal for his Beloved late Wife!

Wow! This retired UP postmaster builts a Taj Mahal for his Beloved late Wife!

Faizul Hasan Qadri, a retired postmaster from a UP has built a Mini Taj Mahal in the memory of his beloved late wife. He still love and miss his wife a lot!

 

Wow! This retired UP postmaster builts a Taj Mahal for his Late Wife.. 457Shares It feels so good to see that people still believe in Love after they are no more and still continue to love that person till their last breath! Faizul Hasan Qadri, a retired postmaster from Kaser Kalan village (around 50km from Bulandshahr in western Uttar Pradesh), married Tajamulli in 1953. He has now built a Taj Mahal in the memory of his beloved late wife. But Tajamulli Begum died due to throat cancer in 2011 and Mr. Qadri devoted all his finances in setting up a ‘Mini Taj Mahal’, a structure to embody his love for her.
Taj Mahal
Taj Mahal But few years later he was left with very less money. “Initially, I sold a piece of land for Rs 6 lakh and my wife’s gold and silver jewellery for Rs 1.5 lakh and got the ‘makbara’ (mausoleum) constructed with the help of a local mason named Asgar. A total of Rs 11 lakh was spent, but now I have to get marble studded on the monument and also to build a lush green park around it, both of which is likely to cost me another Rs 6-7 lakh,” he said. Taj Mahal “Asgar prepared the dome and constructed the four ‘minars’ around the central building, which is a little more than 27-feet in height.
Taj Mahal
The structure is built on my own land and I have also tried to plant some trees around it and have a small water body at the back side of the building. However, work has mostly been held up due to finances as marble costs are high. A number of people have offered me money that I have refused to accept so far.
This is my personal endeavour for my late wife and embodies my love for her. So I should do this on my own,” he added. He was recently offered for help from Uttar Pradesh chief minister Akhilesh Yadav in Lucknow. But Mr. Qadri is not willing to take any help from outside. He wants to use his own money.
“I will go to meet him (Akhilesh Yadav) and will request him to get my village school recognized by the education board rather,” he said. Taj Mahal What else? Qadri’s half-finished monument is already famous among residents as the mini Taj Mahal with locals coming from far off areas often to catch a glimpse of his royal monument. “I travelled almost 25 km with my friends just to get a glimpse of this structure. The efforts put in by him is really commendable,” said Zakir Ali, a resident of Pahasu. Taj Mahal “The doctors initially treated my wife for an ear ailment and could not find any traces of throat cancer.
Taj Mahal
Later I took her to Aligarh Medical College where the doctors told me that she was suffering from throat cancer and had no strength to bear the effects of chemotherapy. We moved into a plot of agricultural land outside the village. I got a new house constructed for her,” he said. “I have told my brother to bury me here by the side of my wife. I have deposited the fees with the Wakf board also. Everything that comes has to go away some day. My wife is dead. I will also die someday. The monument too, might not stand forever. I just wish to see it complete before I die,” he adds. source: HT

Read more at: http://fablefeed.com/news/retired-postmaster-builts-taj-mahal-for-his-late-wife/