Somaliland Genocide 1988 The names of Generals who commited war crime and Genocide In Somaliland

Magacyada qaar ka mid ah Raggii Xasuuqa u geystay Ummadda Somaliland – print


Date:Sunday, December 23 @ 07:58:32 CET

“Anaa amray in magaalooyinka iyo wixii ku hoos jiraba la masaxo oo la burburiyo”. “Cadowbay ahaayeen gidigood Caruur,Haween iyo Ciroolaba ,kolkaa  in la xasuuqaa waxa ay aheyd waajib wadaani ah”.Waxa ay ka midka yihiin hadalada ay isku difaacaan dhagar qabayaashii maatida iyo masaakiinta xasuuqay iyagoo kalsooni qaba oo cidna wax iskaga tirrin.
General, Siyaad Barre

 

General Ali Samatar


General, Morgan

General Gaani

General Yusud Abdi Ali, Tuke

General Dafle

 

General, Adan Gobye

General Dafle

 

 

Cali Samarat.

Adan Gobyow.    Gaani.   Tuke.        Dafle/ Cadde Muuse.        Xassan Turki

By A.Aw Hussein
( An eye witness during the bombardement of cities in 1988)

Waxa aan halkan kusoo gudbinayaa liiska magacyada qaar ka mid ah dambiilayaashii xasuuqa u geystay  shacabka Somaliland.Waa ashkhaas  qofkasta oo Somalilander ahba uu xil kasaaranyahay sidii  sharciga loola tiigsan lahaa.

Fadllan ciddii heysa magacyo kale iyo macluumaad dheeraad ahba waxa laga  doonayaa in ay u gudbiyaan xukuumadda Somaliland iyo hayadaha ku shuqulka leh daba galka iyo ururinta xogahii falalkaa foosha xumaa ee lagula kacay ummadda.Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii yidhaa dambiilayaasha nool la garaye kuwii xijaabtay maxaa laga wadwadaa.Kuwa dhintay laftooda waa in lala tiigsadaa cadaaladda oo la xukumaa iyagoo iilka kujira (posthumous trial).Waxa aan halkan ku sheegayaa in dambiyadda reer Somaliland laga galay aan lasoo koobi karrin waxase haboon in marka hore lasoo ururiyo kuwa gaadhsiisan heerka xasuuq aadanimo (genocidal crimes),Dabadeed kuwa kalena loo hawl galo iyagana.

 

 

Magaca Dambiilaha
Xilka uu hayey
Dambiga uu geystay
Cadeymo
Halka uu imika joogo
1
General Moxamed Siyaad Barre
Madaxweyne
Xasuuq.dad gaadhaya ilaa 100 000 oo ruux.
Dumintii  magaalooyinka.iwm
Isagu malaha uma baahna cadeyn, oo cid ka mormi kartaa ma jirto hagardaamadii uu somalida iyo geeska Afrikaba u geystay
Dhimay
2
General Maxamed Ali Samater
Madaxwayne ku xigeen
Xasuuq.dad gaadhaya ilaa 100 000 oo ruux.
Dumintii  magaalooyinka iwm
Afkiisa ayuu ka qirtay in uu amarka dambiyadaa in dadka lagula kaco uu hormoodayaasha ka mid ahaa.
Wareysiyow uu warbaahinta siiyo oo uu ku sheego dadkii la xasuuqay in ay cadowga dalka ahaayeen.
USA
3
General Aden Gabyow
Wasiirka  Gaashaandhiga
Xasuuq.dad gaadhaya ilaa 100 000 oo ruux.
Dumintii magaalooyinka iwm
Wasiirkii tala bixinta iyo kolba hawshu halka ay mareyso sida tooska ah uu General Morgan ugusoo tabin jiray ee ku dhiiri galiyay in uu hawsha halkaa kasii wado.
Dhimay
4
Maxamed Saciid Xirsi (Morgan)
also known as the butcher of Hargeisa
Taliyihii GobolkaW/G.&Q/Ciidamadii 26X/D
Xasuuq.dad gaadhaya ilaa 100 000 oo ruux .
Burburiskii magaalooyinka.
Maskacdii ka dambeysay dabar goynta ummadeed.
Masuulkii tooska u hogaaminayay duqeyntii magaalooyinka.
1)Copy warqadii dabargoynta .
2)Xabaalo wadareedyada wadanka ku filiqsan.
3)Duuliyihii baxsaday oo markhaati nool ah..
4) Wareysiyow uu warbaahinta siiyo oo ku sheego dadkii la xasuuqay in ay cadow ahaayeen oo istaahileen in sidaa laga yeelo.
Somalia/ Mogadishu
5
Mohamed Hashi Gani
Taliyihii GobolkaW/G.&Q/Ciidamadii 26X/D
Tacdiibta shacabka reer Somaliland nin garaado ku qaatay oo lagu abaal mariyey.Iyo dilal badan oo uu geystay kolkii uu gobolka Hargeisa badhasaabka ka ahaa Morgan hortii.
Mj.Cabsillaahi Asker oo uu sigaar shidan uu ku bakhtiiyey oo uu nolosha ku ciqaabay ayaa nool.
Dhimay
6
Colone Yussuf Abdi Ali  Tuke
Sarkaal Ciidamadii X/D G/W
Waa ninkii dadka nolosha ku aasay ee ceelal biyo ah ku duugay.
Waxa si dhib yar loo heli karaa  eheladii dadkaa uu ceelasha ku aasay
USA OR Canada
7
General Canjeex
Sarkaal Ciidamadii X/D Banaadir
Xasuuqii Xeebta Jazira.47 qof oo lasoo heyb soocay ayaa ciidan uu wataa dhagta dhiiga u daraan xeebta Jazira.
Nin ka badbaaday xasuuqaa ayaa nool
MDDLE  EAST, EUROPE or USA
8
Colonel Abdulaaziz
Taliyihii ciidanka gobolada woqooyi. Morgan dabadii
Xasuuq.dad gaadhaya ilaa 100 000 oo ruux .
Burburiskii magaalooyinka.
Masuulkii tooska u hogaaminayay duqeyntii magaalooyinka iyo tuulooyin.
Tuulooyin badan oo firxadkii dadkii magaalooyinka ka qaxay ay tageen ayaa jira oo dad iyo duunyoba wixii ku noolaa uu xagga kale u rogay .
Somalia/
Caabudwaaq.
9
Colonel Xassan Turki
Sarkaal ka tirsanaa xoogga dalka
Gacan yarayaashii  Morgan kolkii uu fulinayaey operation kii dabargoynta ummadda.
Cadeymaha loo hayo waxa ka mid ah cadhada wali uu u qabo reer Somaliland .Ninkaas oo imika sheegta wadaad waxa uu iclaamiyay in uu dagaal ku qaadayo ummadda Somaliland kol uu niman maxaakiim la baxay uu hogaankooda sar sare ka mid ahaa.
Unknown
10
Colonel Ahmed Soleiman Dafleh
Minister of Interior (long served as the head of the dreaded NSS)
Kuwa ay cadaawad aan la garaneynin ku gaamurtay.Wuxu ahaa nimankii colaadda beelaha Somalia aadka u huriyay.
Wuxu ka midka ahaa raga talada xasuuqa raarka dambe u fadhiyey ee kolba sida wax loo qabanyo tilmaamayey
ASMARA/ ERETREA

Source: Somalilandpatriots.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: