Maareeyaha guud CEO ee Dubai Port oo dekadda Berbera iyo caasimadda Somaliland soo booqday 24 may 2016

Waa markii ugu horreysay ee uu dalka jamhuuriyadda Somaliland booqasho ku yimaado. Maareeyha guud ee shirkadda dekadda Dubai port. aad iyo aad ayuu ugu riyaaqay waxa uu soo arkay. Ishaa macalin ah. Wax weyn baa u soo kordhay, intii yarayd ee uu Somaliland joogay.Waxa uu kormeer maareeyaha guud ee DP, Sultan Ahmed Bin Sulayem. Ka dibna waxa ay u soo kicitimeen caasimadda jamhuuriyadda Somaliland.. Waxaann lagu soo dhaweeyey qasriga madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland. Waa maalin taariikhiya. Waxa durtaba bilaabay cilaaqad aad u heer sareeya oo dhex mara  labada dal ee Somalilan diyo wadanka isku tagga imaaraadka carabta.

Intaa ka dib waxa ay qabteen shir jaraa´id .

 

sidaa iyo dhegaysi wacan.

War saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay

Wafti Ka Socday Shirkadda Maal-galinta ku Samaynaysa Dekeda berbera Oo Madaxwayne Siilaanyo Qaabilay

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha shirkada Dekeda caalamiga ah ee DP World oo uu horkacayo agaasimaha guud ee Shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, weftigaas oo saaka ka soo degay madaarka diyaarahada ee Berbera, soona kormeeray dekeda Berbera, ka dibna u soo duulay Hargeysa, kana soo degey madaarka Egal International Airport.

Madaxweynaha ayaa ereyo soo dhawayna ku qaabiley weftigaas waxanu yidhi “waxanu idinku soo dhawaynayna wada shaqayn rasmiya oo aynu wada yeelano iyo walaalnimo aad ku timaadeen dalkiinii labaad oo ah Somaliland” Waxa hadalkii la wareegay agaasimaha guud
ee shirkada waxanu si balaadhan uga mahadnaqay soo dhawayntii Berbera ilaa qasriga madaxtooyada, isagoo arrintaa ka hadlaaya waxa uu yidhi, “Madaxweyne waxa aanu kaaga mahadnaqaynaa qaabilaada iyo soo dhawayntii balaadhnayd ee la noo yeeshay intii aanu dalka joognay ”.

Ka dib waxa uu gudoomiyaha shirkadu ka hadlay kormeerkii ay ku sameeyeen saaka dekeda caalamiga ee Berbera iyo qaybeheeda kala duwan, waxanu si gaara u amaanay masuuliyiinta iyo shaqaalaha dekeda Berbera, isagoo si gaarana farta ugu fiiqay Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo uu ku sifeeyey nin aqoon dheer u leh dekeda uu maamulaha ka yahay, kuna haboon shaqadiisa, markuu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi ”waxa aanu soo kormeernay dekeda iyo qaybeheeda waxa aanu ku soo aragnay shaqo wanaagsan, inay meel wanaagsan ku taallo, dadka maamulayaana ay yihiin kuwii ku haboonaa shaqadaasi. Waxa kale oo aanu soo aragnay deked ku taalla meel istaraatiiji ah, oo ah dekedii aanu rabnay in aanu la macaamilno”.

Markii laga soo baxay xafiiska madaxweynaha, waxa wada jir saxaafada ula hadlay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha guud ee shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Wasiirka oo hadalka ku horeeyey ayaa ka waramay in weftigani yahay wefti balaadhan heerkiisuna sareeyo, kana socda shirkada DP World. Isagoo intaa uga gudbay inuu sharxo qorshaha iyo himilooyinka laga leeyahay dekeda caalamiga ah ee Berbera iyo heshiiskan la xidhiidhaba.

Wuxuu tilmaamay in weftigu aad ugu farxeen boqashadooda Somaliland iyo indho-indhayntii ay ku sameeyeen dekeda. Wasiirku waxa kale oo uu fursadaa uga faa’iidaystay inuu salaan iyo mahadnaq u diro Amiirka Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum, madaxda Imaaradaasi iyo madaxda Dubai Ports World, sidii quruxda badnayd ee weftigii madaxweynuhu hogaaminayey loogu soo dhaweeyey imaarada Dubai.

Wasiirku waxa uu u gudbay inuu ka hadlo nuxurka heshiiska labada dhinac dhex maray, cilaaqaadka u dhexeeya Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxanu yidhi “Somaliland iyo Dalka imaaraadka Carabta, waxay leeyihiin xidhiidh aad iyo aad u fog oo taariikhiya, ganacsi ayaa inaga dhaxayn jiray muddo badan, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa degan oo ka ganacsada oo qaarkood ay leeyihiin dhalashada Imaaraadka”

Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku waxa uu yidhi “waxan soo dhawaynaynaa maalgashiga Berbera, dhismaha iyo horumarka Berbera”. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in aanu mashruucaasi ku ekayn dekeda Berbera iyo hawlaheeda oo qudha, waxanu sheegay inay la socoto qaybta loo yaqaano, qaybta ganacsiga xorta ah, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxa la socda qaybta ganacsiga xorta ah lagu sameeyo (Free Zone) oo la mida sida qaybta Jabal Cali ee ku taala Imaarada Dubai. Waxa kale oo ku lamaansan Isfahan guud oo aanu kala heshiinay shirkadaas, kana mid yihiin wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale, beeraha, tamarta, xagga shaqo abuurka oo labada dhinacba faa’iido u leh. Waxa kale oo aanu kala hadalnay, dal ku galka ay ganacsatadeenu isticmaali doonaan oo ah sharciga ay dalkaa ku geli karaan kuna joogi karaan, waxanay naga ballan qaadeen inay arrintaa ka hawlgelayaan, codsina u qadimayaan amiirka dalkaasi, sidii loogu fudaydin lahaa arrintaas”.

Wasiirku waxa uu sii dhex galay nuxurka heshiiska iyo faa’iidooyinkiisa, waxanu yidhi “Heshiiskani waxa uu dhiirigelinayaa dad badan oo danaynaya inay dalkan maalgaashadaan, marka dalka la maalgashadana shaqo ayaa ka abuurmaysa, taasina waxay inoo suurto gelinaysaa inaynu maarayno dhallinyaro badan oo kuweena ah oo shaqo la’aan haysato, taasoo ah mudnaanta dawladan. Wuxuu u gudbay faah-faahin uu ku sameeyey mashruucan waxanu yidhi, mashruuca wejigiisa hore waa laba qaybood. Qaybi waa dekeda iyo waxa laga qabanayo, waxana weeyi in la balaadhiyo, lana tayeeyo ee maaha uun waa la maamulayaa oo maamulka dekeda hore inagu waynu ku fillan nahay. Waxase weeye in dekeda la waynaynayo oo lagu darayo 400M mark hore, iyadoo mardanbena lagu dari doono 400M oo kale. Mar uu ka waramayey shaqaalaha dekeda iyo mustaqbalkoodu sida uu noqon doono, wasiirku waxa uu yidhi shaqaalaha ka shaqeeya dekedu sidooda ayey uga shaqaynayaan.

Arrintaa dhawr jeer ayaanu waydiinay waxanay sheegeen in shaqaalaha dekeda wax ku kordha mooyaane aanay waxba ka naaqusmayn. Markay arrintaa ka hadlayeena waxay yidhaahdeen in markii ay dekeda Jabuuti ka hawlgaleen shaqaalihii joogay wax ku kordhay mooyee aanay waxba ka naaqusmin.

Ugu danbayn wasiirku hadalkiisa waxa uu sheegay in heshiiskaasi yahay mid dhex maray laba dawladood oo ah Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Waxaanu u soo jeediyey shacbiga Somaliland kuna dhiirigeliyey inay soo dhaweeyan mashruucan oo uu ku sifeeyey mid albaab dhaqaale iyo mid siyaasadeed u furaaya dalka, saaxiibo badana aynu ku kasbanayno sidaa awgeedna xilka ina saarani uu yahay soo dhawaynta iyo isbarbar taaga heshiisyada noocan oo kale ah.

Dhiniciisa waxa hadalkii la wareegay agaasimaha guud ee shirkada, Sultan Ahmed Bin Sulayem oo ay ka muuqatay kalsooni iyo weji furnaan, waxanu hadalkiisa ku bilaabay “waxa ii farxad ah sharafna ii ah in aan idinla joogo Hargeysa. Waa socdaalkaygii ugu horeeyey, dareen I taabtay ayaan kala kulmay, manaan moodayn in dalkani intaa leeg yahay, waanan rumaysan kari waayey.”

Wuu sii watay hadalkiisa oo waxa uu yidhi “waxan booqday dekeda berbera iyadoo uu gadhwadeen noo yahay Eng Cali Xoor-xoor wanan ku farxay shaqada ka socotay iyo khibrada ay leeyihiin masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekeda ka shaqeeya, oo aan runtii u qirayo inay hayaan shaqo wacan”.

Socdaalkayagu waxa uu na geliyey kalsooni, waxa aanu ogaanay inay dekedani ay tahay tii ku haboonayd heshiiska taariikhiga ah ee aanu galnay, annagoo ka wakiila dawlada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiiskan oo ah mid ay wada galeen labada madaxweyne ee labada dal, markuu madaxweynuhu nagu soo booqday halkaas,.

Waxan labadayada dhinac ku heshiinay in aanu dekeda Berbera ka qaadno sida ay tahay, kana dhigno deked caalamiya oo casriya oo leh aagga ganacsiga xorta ah iyo qaybaha la dhigo qalabka dekedaha. Waa heshiis dhex maray laba dawladood, Imaaraadka iyo Somaliland iyo ummadahooda oo ay ku jiraan ganacsatada labada dhinac.

Wuxuu bogaadiyey agaasimuhu mawqica juquraafi ee dekeda berbera, waxanu yidhi “waxa aanu aaminay halka Illaahay dhigay dekeda berbera ee ay dunida kaga taalo inay tahay meel wacan.” Waxa kale oo aan ku faraxnay sida wanaagsan ee ay ugu xidhan tahay itoobiya oo ku haboon koboca dadka iyo dhaqaalaha Itoobiya oo ay tahay dekedii ku haboonayd inay u adeegto dadkaa tirada badan.

Wuxuu ka hadlay oo kale qaybta ganacsiga xorta ah ee dekeda waxanu yidhi “qaybta dekeda ee xorta ahi waxay noqon doontaa qayb ganacsatada caalamka soo jiidata”. Wuxuu u gudbay inuu ka waramo shirkada DP World iyo Awoodeeda, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “waxan leenahay 30 sanadood oo khibrad dhinaca dekedaha ah. Waxan maamul ku leenahay dekedo gaadhaya 77 dekedood oo ku yaala 40 dal oo dunida ah gaar ahaan Afrika, kana mid yihiin Jabuuti, Masar, Algeria iyo Senegal iyo kuwo kale ”.

Intaa ka dib waxa su’aalo laga waydiiyey labadaa masuul heshiiska dekeda, su’aasha koowaad oo ahayd halka looga dhaqaaqayo inta imika heshiiska qabsoontay, waxana ka jawaabay wasiirka Arrimaha dibeda waxanu yidhi “waxa aanu hadda kala saxeexanay heshiis hordhac ah. Qaybta heshiiska ee balaadhana waxa ka shaqaynaya garyaqaano insha “Allaahuna” waxa aanu rajaynaynaa inay dhamaato bisha June ilaa July ee inagu soo fool leh”.

Su’aal labaad oo ku saabsanayd in uu door ku leeyahay ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boorre heshiiska, isagoo ka jawaabaya agaasimaha guud ee shirkada DP World, waxa uu yidhi “Sheekadan ku tidhi ku teenka ah hore ayaan u maqlay, sidaad adiguba u maqashay ee ku saabsan Boorre”.

Mr. Boorre wax shaqo ah kuma laha habayaraatee heshiiskan. Heshiiskani waxa uu dhacay muddo hore. Waxanu u taagan yahay kana turjumayaa heshiis dhex maray laba dawladood, isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland. Go’aanka in heshiiskan la galaana waxa lahaa labada madaxweyne ee labada dal.

Waa heshiis dhex maray laba dawladood. Waxa saamilay ka ah (Share holders) dawladda Somaliland iyo Imaarada Dubai. Cid kale waxba kuma leh, Boorrana hadalkiiba daa, wax dan ah oo uu ku leeyahayna ma jirto.

Weftigan balaadhan waxa dalka keenay oo hogaaminaayey Safiirka Somaliland ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar, oo isagu intii la magacaabay xoojiyey xidhiidhka labada dal, waxana weftiga ku soo dhaweeyey magaalada Berbera, Wasiirada,Arrimaha dibeda, madaxtooyada, Maareeyaha Dekeda Berbera,iyo Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Saaxil.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Somaliland1991 News

24 May 2016

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: