Khudbada Madaxweynaha ee 26-ka June 2016 (56th Anniversary) Madaxweynaha Khudbaddiisi oo dhamays tiran ayaa u dhignayd sidan:

 

 

Madaxweynaha Khudbaddiisi oo dhamays tiran ayaa u dhignayd sidan:

 

Khudbada Madaxweynaha ee 26-ka June (56th Anniversary)

Mudanayaal iyo Marwooyin,

index

Ugu horreyn, waxaan hambalyo iyo boggaadin balaadhan hawada u marinayaa dhammaan Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel ay joogaanba Munaasibadda Sannad Guurada 56aad ee Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 26 June, 1960-kii.

Dawladda Ingiriisku waxay soo caga-dhigatay Carriga Somaliland 1887-kii, iyadoo aan xoog ku qabsan, balse ku timi heshiis ay la galeen beel-daajiyaashii iyo birmageydadii hormuudka u ahayd Bulshada Somaliland xiligaa.

Somaliland ma ahayn dal toos loo guumaystay sida dalalka Africa badankooda, hase yeeshee, waxay ahayd maxmiyad ay ilaaliso ama maamusho ciiddeeda, boqortooyadii aan calankeeda cadceedu ka dhici jirin.

In ka badan qarni badhkii ayaa laga joogaa maalintii Somaliland noqotay Jamhuuriyad Madax-bannaan oo leh Dawlad iyo Dal, la aqoonsan yahay.

Halgan qadhaadh iyo hayaan dheer oo loo soo galay xaqiijinta himilladii gobonnimo doonka, waxay Somaliland nasiib u yeelatay in ay ku guulaysato qarannimo buuxda, isla markaana noqoto dalkii 15aad ee Qaaradda Africa qaatay madax-bannaani, taasoo cadaynaysa in aynu ka hana-qaad horreynay badiba waddamada bariga iyo badhtamaha Africa, sida; Kenya, Uganda, Tanzania, Djibouti, Somalia, Eretria, Rwanda, Burundi, Central African Republic, Mozambique, Zambia iyo Malawi.

Waxa hambalyo mudan halyeyadii xasiliyey gobonnimadaa, waxaan si gaar ah u xusayaa Xisbiyadii Siyaasiga ahaa ee SNL, NUF, iyo USP oo door weyn ka qaatay.

Sidoo kale, waxaan ugu ducaynayaa intii dhimatay, hal-doorkii taariikhda halgankaa ku suntanaa iyo mujaahidiintii ku shahiiday halgankii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland in Eebbe naxariistii janno ka waraabiyo, fadliga bisha Ramadaanna ugu dambi dhaafo.

Ka Sokow in aynu noqon-nay Ummadda Soomaaliyeed dalkii iyo dadkii ugu horreeyey ee noqday qaran xor ah, waxa xaqiiq ah in Bulshada Somaliland ay hormuud ka ahayd hammigii lixdankii ee salka ku hayey in la abuuro qaran weyn oo ay shanta Soomaaliyeedba ku dhan tahay.

Jibbadii iyo Soomaali jacaylkii quluubteenna jeexay, wuxuu keenay in shan cisho ka dib aynu deg-deg ugu biirno dalkii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray shuruud la’aan, isla maalintii uu gobonnimada qaatay 1-dii July, 1960.

Inkasta oo uu ahaa il-duuf siyaasadeed oo ina dhaxal-siiyey dhibaato badan, haddana dhinaca kale, waxaan la dafiri karin inuu ahaa go’aan geesinimo leh oo ay qaadan karto oo keliya ummad gob ah oo garasho dheer lihi.

Midowgii dhex-maray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu noqday madhalays aan la mahadin.

Nasiib darro, waxa laga dheefay oo qudha nacayb, Niyad jab iyo naxli la dhex dhigo Ummaddii Soomaaliyeed ee isu haysay hilowga iyo kalgacalka.

Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Daayeerow Qadhaab ka waran? wuxuu yidhi, Tunkayga iyo Tagoogayga ka eeg”. Sidaa darteed, waxaan leeyahay Shacbiga Somaliland soddonkii sanno ee ay ka mid ahaayeen dal weynihii Soomaaliya ma jiro wax faa’iido ah oo ay ka dhaxleen haba-yaraatee.

Marka la barbar dhigo 25-kan sanno ee aynu la soo noqonnay madax bannaanideenna, waxa inoo kordhay ayaa ka badan boqolkiiba sagaashan, iyadoo aynaan helin taageero luxdan iyo aqoonsi caalami ah toona.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

1)       Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July, dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.

2)       Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.

3)        Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.

4)       Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

5)       Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.

6)       Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland  iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan leeyahay marnaba u dulqaadan mayno cid kasta oo fad-qalale iyo fara-gelin ku samaysa ciidayada iyo calankayaga. Xaqa aayo ka tashiga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dalkayga iyo dalkayga, iyo Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan waa lama taabtaan aan lagu xad gudbi karin.

Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Xukuumadda aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay ambaqaadka iyo sii wadista wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba, si looga gun gaadho wada hadallada labada dal u dhexeeya natiijo wax ku ool ah, waxaan ku baaqayaa in gogosha la ballaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan.

Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaallada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka.

Hasa-yeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax-bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka.

Mar labaad, waxaan ku celinayaa Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shakhsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran.

Baaq Nabadeed:

Nabaddu waa aasaaska noloshada aadamaha, waana waxa aynu ummad ahaan ku soo cawo iyo caano maalnay. Sidaa dateed, aniga oo munaasibadan ka faa’iidaysanaya, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dhibtu ku dhexmartay deegaanka Dharkeengeeye iyo Dhumay. Waxaan leeyahay, walaalayaal colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho.

Dhinaca kale, waxaan filayaa in aad waayo arag u tihiin madhaxa iyo milalka ay colaadu reebto. Haddaba, waxaan madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka labada beelood ugu baaqayaa inay joojiyaan  dhiiga daadanaya iyo dhagarta dhexdooda ah.

Waxa kale oo aan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan, isla markaana gacan siiyaan Ciidammada Qaranka ee ku kala dhex jira iyo Ergooyinka nabadeed ee gurmadka ugu tagay dhex-dhexaadintooda.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ergada isugu jirta Salaadiinta iyo Xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ee gurmadka ku tagtay deegaannadaa mashaqadu ka dhacday, iyo cutubyada ka tirsan Ciidammada Qaranka ee nabad ilaalinta u jooga deegaannada Koonfurta Laascaanood.

Waxaan ku guubaabinayaa in ay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana daalin hawsha islaaxa ah ee ay ka shaqaynayaan. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu ka abaal mariyo shaqadaa wanaagsan, miisaanka xasanaadkoodana ugu biiriyo.

Ugu dambayn, waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan difaaca qarannimadooda, adkaynta midnimadooda iyo ilaalinta amniga Eebbe ina siiyey.

Qof kasta oo muwaadin ah, waxa waajib ku ah in uu gacan siiyo Hay’addaha Amniga Qaranka u xilsaaran ee hadh iyo habeen u adeegaya ilaalinta danaha guud.

Mar labaad, waxaan shacbi-weynaha ugu baaqayaa in ay ka qayb-qaataan xaqiijinta himilooyinka iyo hayaanka aynu ku hiigsanayno horumarka dalkeena, kaas oo yool iyo abbaar u ah xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay.

Waxaan u digayaa dadka ku hawlan inay carqaladeeyaan mashaariicda horumarka ee dalka ka socda, waxaanan leeyahay dawladi indho qudhaanjo ayey leedahay.

Si aynu u helno deeq iyo dambi dhaaf Alle, waxa lagama-maarmaan ah in aynu ummad ahaan isa-saamaxno, isla markaana isu-uur samaanno.

Waxaynu ku jirnaa bil barakaysan oo khayr badan, waxaan ILAAHAY Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa in uu innaga iyo dhammaan ummadaha muslimiinta u dambi dhaafo, Soonka, Sekeda iyo Salaada inaga aqbalo, isla markaana cadaabkiisa inaga xorreeyo Aamiin……Aamiin……..Aamiin.

Guntii iyo Gabegabadii,

Waxaan jecelahay in martida sharafta leh ee kala duduwan ee Mudanayaal iyo Marwooyinba leh aan  uga mahad-celinayaa ka soo qayb-galka munaasibaddan qiimaha badan.

Si gaar ah, waxaan ugu mahadcelinayaa Wakiillada Dawladaha Jabuuti iyo Turkiga ee u fadhiya Dalka Somaliland.

 

Somaliland1991 News Center

26 Juun 2016

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: