Ma dhabaa in UAE, waddanka isu-tagga Carabtu saldhig militari ka furanayaan Somaliland maxaa se faa´iido ugu jirta Somaliland?

Ma dhabaa in UAE, waddanka isu-tagga Carabtu saldhig militari ka furanayaan Somaliland maxaa se faa´iido ugu jirta Somaliland?

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Sida aynnu la wada soconno, waxa tan iyo intii dagaalku ka qarxay dalka Yemen. Dagaalkaas, oo u dhexeeyey ciidamo taabacsan dawladda yemen iyo falaagada Xuutiyuunta, oo taageero weyn ka hela dalka Iiraan. Falaagada  xuutiyiinta ayaa gebi ahaanba la  wareegay gacan ku haynta dalka Yemen.  Arrintani waxa ay halis gelisay ammaanka  waddamada, Sacuudi Arabiya iyo khaliijka. Dalka Iiraan oo taageero militari siiya, falaagada Xuutiyiinta. Xulafada uu hoggaaminayo dalka Sucuudiga, ayaa weeraro xagga cirka ku qaaday fadhiisimaha falaagada xuutiyiinta.

Waxa ay markii danbe dalal badan ka codsadeen, in ay xulafada ku soo biiraan. Waxa jira dalal ay ka mid tahay Suudaan oo ciidamo geeyey dalka Yemen. Haddaba xulafada Sucuudiga iyo khaliijka, ayaa u baahday saldhigyo militari oo xagga cirka ah in ay ka samaystaan dalalka geeska Afrika ee Yemen ku dhaw,  Sida waddamada, Somaliland, Jabuuti iyo Ereteriya. Waxa ay doonayaan in ay saldhigyo militari iyo cir oo ay kaga duulaan falaagada xuutiyaanta, iyo in ay ka hortagaan saanada militari ee Iiraanu u soo marinayso biyaha badda cas

Sannadkii hore ayey xulafada Sucuudiga iyo khaliijku, saldhig militari ka furteen dalka Ereteriya. Arrintan furashada saldhig militari, oo ay ka furteen xulafada Sucuudiga iyo khaliijka dalka Ereteriya, oo aan si rasmiya loo shaacin.

(Recent media reports indicate that Saudi Arabia and the UAE have contracted Eritrea’s government for assistance in the War on Yemen, using the East African state as a transit and logistics base for their operations, as well as 400 of its troops for cannon fodder in Aden.)

Haddaba waxa muddooyinkii danbe soo baxayey warar sheegaya, in jamhuuriyadda Somaliland, lala soo xidhiidhay, oo xidhiidh lala soo sameeyey, sidii Somaliland loola geli lahaa heshiis ah saldhig militari oo ay ka furtaan. Ilaa hadda labada  dhinac ee xukumadda Somaliland iyo xulafada Sucuudigu, kama ay soo saarin wax wara oo amuurtaas ku saabsan.

Waxa aan isku dayey in aan meelo badan ka baadho, in ay arrintani jirto iyo in kale, arrinta  ah, in ay doonayaan xulafada Sucuudiga iyo  waddanka isu-tagga Carabtu,  saldhig militari ka furtaan Somaliland. Haddaba carabka kuma ay dhufan Somaliland, balse dhulka soomaalida  qayb ka mid ah, oo u dhaw Yemen, ayey sheegayaan/qorayaan warbixinada qaarkood. Meesha ay warbixintu si dadban usheegaysaa ama uqoraysaa,waa Somaliland.

Waxa jira arrimo dhawr ah oo ay Somaliland uga door-bidayaan meelaha kale  ama ay  aad u  xiisaynayaan Somaliland . Waxaa ka mid ah dhawr kaas arrimood. Qodobada hoos ku qoran.

 

  • Somaliland waxa ku taalla magaalo xeebeed taariikhiya, Berbera, kuna taal meel istaraajiyad ah. Waxa ay Berberi u dhaw-dahay masaafad ahaan dalka Yemen, marka loo barbar dhigo waddanka isu-tagga Carabta . Waa magaalo u dhaw bab el mandeb, oo macnaheedu tahay “albaabkii oohinta” “Gate of Grief” waa marinka ka yimaada gacanka Yemen, ee badda cas ka dibna  halkaa kaga darsama bad -weynta Hindiya. Waa marin  muhiima oo saameyn weyn ku leh dhaqaalaha adduunka.
  • Berbera oo leh madaar caalamiya, madaarkas oo leh runway, ka mida kuwa adduunka ugu dheer. Loona isticmaali karo saldhig militari oo xagga cirka ah.
  • Dekedd caalamiya.
  • Shirkadda DP World, oo Somaliland heshiish xagga dekedda Berbera la gashay 9 may 2016
  • Shirkadda diyaaradaha ee Fly dubai, oo wiigii 3 maalmood u kala gooshta

Duba-Hargeysa

 

Arrimahan ayaa la odhan karaa waxa ay u fududayn kartaa heshiish dhex mara xulafada Sucuudiga iyo khaliijka. Waxa waddanka isu-tagga Carabta, dhawr goor booqasho ku tegay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxmud Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo. Halkaas oo muddadii uu joogay kula kulmay madaxda sar-sare ee waddamada isu-tagga Carabta. Kulamadii ay yeesheena waxa ay isla soo qaadeen arrimo muhiima oo dhawr ah. Wax badan oo muhiima, oo laga wada-hadlayna aan loo  sheegin warbaahinta.

 

Haddaba waa maxay  faa´iidada  ugu jirta Somaliland  haddii ay waddamada isu-tagga                               Carabtu la galaan heshiis saldhig militari ay ka furtaan Jamhuuriyadda Somaliland

 

Waxa aan odhan karaa saddex arrimoodba Somaliland faa´iido weyn baa ugu jirta,

 

  • Siyaasiyan
  • Dhaqaale
  • Aqoonsi

 

Sida aynnu la wada soconno ama aynnu wada ogsoon-nahay heshiiskii DP World  shirkadda 4 aad ee dekeddaha addunka ugu weyn ee DP World la gashay xukumadda Somaliland waxa uu si weyn u soo jiitay indhaha caalamka. Waxa ay arrintaasi bilawday, in ay shirkaddo iyo dalal badan oo marka hore quud-daraynayey in xidhiidh la sameeyaan Somaliland ay iminka bilaabeen in ay ku soo dhiiradaan, si toosna ula soo xidhiidhaan, iyaga oo aan dawladda taagta daran ee federaalka Soomaaliya tallo waydiinayn.

 

Shirkadahan iyo xukumadahan, oo eegaya danahooda gaarka ah, Somalilandna ka dhex arkay maslaxadooda (interest). Waana sababta keentay, in ay toos ula xaajoodaan xukumadda Somaliland. Haddaba arrintani haddii ay dhab noqodto waa arrin siyaasiyan Somaliland guul weyn u ah. In dalalka isu-tagga carabtu ay heshiis toosa la geli karaan xukumadda Somaliland. Somaliland ka saaraysa  goodoonka siyaasadeed.

 

 

 

 

Arrinta Dhaqaalaha.

 

Marka ay waddamada isu-tagga carabta  heshiis la gelayaan Somaliland, waxa ay ka kiraynaysaa dhul, meel weyn oo ay saldhig militari  ka dhigtaan. Waa meel istarajiyad ah. oo bad iyo madaar leh. Kiraynta ay Somaliland ka kiraynayso dhulkaas, waxa Somaliland ka soo gelaya dhaqaale sannadkii noqon kara 100- 200 miljan dollar.

 

Somaliland oo markaa awoodeeda dhaqaale  kor u kacayo.

 

Arrinta saddexaad ee aqoonsiga.

Labadan arrimood ee aynnu kor ku soo xusnay waxa ay Somaliland u fududaynaysaa arrinta aqoonsiga, mar haddii Somaliland lala gelayo heshiisyo caalamiya. Waxa marka danbe iman doonta Somaliland hala ictiraafo. Hase yeeshee arrintaasi waxa ay u baahan tahay, in si fiican looga shaqeeyo loogana hawl galo.

 

Somaliland waxa ay imminka leedahay waayo-aragnimo badan oo ay ka dhaxashay heshiiskii ay wada galeen shirkadda DP World. Habka heshiisyada caalamiga loo galo.

 

In kasta oo kani ka duwanaan doono oo uu yahay saldhig militari

 

Maxaa Somaliland la gudboon oo u baahan in ay xisaabta ku darsato.

 

  • In madaxbannaanida jamhuuriyadda Somaliland ay tahaymid lama taabtaan ah
  • In la daraaseeyo faa´idada iyo khasaaraha ugu jirta saldhig militari oo Somaliland laga yagleelo.

 

  • Waxaa kale oo lagama-maarmaan ah, in la ogaado, inta sannadood ee uu saldhig militari ahaanayo.

 

  • Kharashka sannadkii ee ay bixinayaan

 

  • In ciidamada militariga Somaliland ay tababar  u furaan.

 

  • In Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha la dagaalanka argagixisada isku deyeysa in Somaliland nabadeeda iyo degganaashaheeda wiiqaan ama mijo-xaabiyaan.

 

  • In lala xisaabtamo haddii ciidamada waddanka isu-tagga carabtu ee saldhiga ka hawl-gelaya ay Somaliland denbi ka galaan. Waa in sharciga la horkeenaa

 

Maqaalkan waxaa qoray oo xuquuqdiisa iska leh

 

Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

2 Oktoober 2016

E-mayl: cadnaan7468@gmail.com

 

 

Halkan Hoose ka daawo sawirro taariikhiya oo tilmaamaya xidhiidhka cusub ee u bilaabmay waddamada jamhuuriyadda Somaliland iyo waddamada isu-tagga carabta.

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

Bildresultat för sOMALILAND AND UAE

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: