Waxa dunnida ka bilaabmay tartankii ama loolankii awooda militari ee furashada saldhigyo militari. 15 okt 2016

Waxa dunnida ka bilaabmay tartankii ama loolankii awooda militari ee furashada saldhigyo militari.

Maqaalkani waxa uu daba socdaa maqaalkii hore. Intiinii  akhriday maqaalkii  Ma dhabaa in UAE, waddanka isu-tagga Carabtu saldhig militari ka furanayaan Somaliland maxaa se faa´iido ugu jirta Somaliland?”

Somaliland oo khariirada adduunka ee saldhigyada militari lagu daray

Bildresultat för Royal Navy bases

 Bildresultat för uk Royal Navy  somaliland map Somalilands president Silanyo, meets UK Navy Commander, at the Berbera Port

 

Waxa muddooyinkii danbe adduunka si guud ugu  soo badanayey, in lagu tartamo furashada saldhigyo militari. Waxaa inta badan dadku maqlaan, in dalka Maraykanku  meel heblaayo saldhig militari ku leeyahay.

Haddaba waxaa muddooyinkii danbe soo kordhayey, in dalal kale oo adduunka ku yaallaa ay bilaabeen, in iyaguna saldhigyo militari ka furtaan dalal kale oo ay is-leeyihiin dantiinna ayaa ku xidhan ama ku jirta.

Dal marka uu dal kale saldhig militari  ka furto, waxa ay macnaheedu tahay, dhoolatus ah cudud miltari ayaan leeyahay.  ”Anigaa goobtan ka atoore ah”  . Dal kasta waxa uu eegayaa maslaxaddiisa gaarka ah. Hadday tahay , mid siyaasi ah, mid dhaqaale iyo  mid ah awood militari.

Dalalka ka furta ama furanaya saldhig military dalal kale , waxa ku baxa kharash aan la xisaabin karin, oo aad iyo aad u badan.

Xukumadda dalka jamhuuriyadda Somaliland, Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, oo wiigii hore aynu soo dhaafnay shaaca ka qaaday, in dalka  isu-tagga carabta, ee Abu-dabay (Abu-Dhabi) ka codsaday,  madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, AXmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, in ay ka furtaan Somaliland, saldhig militari. Waa markii ugu horreysay ee xukumadda Somaliland, arrintaa ka hadasho  , tan iyo intii ka danbaysay ee warbaahinta aad loogu soo qoray .

“Mar wasiirka wax laga waydiiyay inay Dawladu Madaarka berbera ku wareejinayso dawlada imaaraadka carabta si ay Saldhig uga dhigtaan, waxa uu yidhi:- “ Madaxweynaha waxa ay waydiisten Imaarad Abu Dubai in ay Saldhig ka samaysataan Madaarka Berbera, waa codsi, codsina macnihiisu maaha waa la iibiyey, xitaa heshiis lama galin, Dawlad Dhulkeeda in ka mid ah Dawlad kale ka Iibisayna ma jirto, Jabuuti ayaa ugu dhaw oo waxa ay ka faa´iidaysataa waxa weeye Saldhiyo ayey Dawlado kale ku leeyihiin.”

Waddamada Jabuuti, Ererteriya, Soomaaliya.  Waxaa ku tartamaya in saldhig militari ka furtaan, dalal dhawr ah.

Dalka Shiinaha oo doonaya in saldhig militari ka furto dalka la jaarka ah Somaliland ee Jabuuti. Xagga ay waddamada isu-tagga carabta iyo Sucuudigu ka furanayaan saldhig militari dalka Ereteriya. Dalka kale ee Somaliland la jaarka ah ee Soomaaliya, oo dalka Turkigu ka furanayo saldhig militari.

Dalka Jabuuti, haddaynu soo qaadano waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ugu faqiirsan. Waxaase dhaqaale badani ka soo galaa dhaqaale aad ubalaadhan dawladdo dhawr ah oo saldighyo militari ku leh dalka Jabuuti. Sannnad walba,  waxa uu  dal kastaa oo saldhig militari ku leh dalka Jabuuti, uu  bixiyaa lacag gaadhaysa inta u dhaxaysa 70-100 milyan oo dollar.

Dalka Ruushka ayaa isaguna doonaya in saldhigii militari ee uu ku lahaa dalka Masar sannadkii 1972, magaalada Sidi Barrani, dib u soo celiyo. Magaalada Sidi Barrani, waa magaalo xeebeed yar oo               100 km u jirta xadka dalka Liibiya

Amuurtan oo xukumadda dalka Masar ka talisaa ay beenisay, kuna tilmaamtay war aan waxba ka jirin.

“Egyptian officials have denied a report in the Russian media which claimed that Moscow and Cairo are negotiating a deal on a Russian airbase in western Egypt.

Egypt’s Al-Ahram daily reported the president’s office as stating that it would not allow foreign foreign military bases on Egyptian coasts”

Joornaalka magaciisa la la yidhaahdo.  Gulfnews, ayaa maqaal ku soo dabacay bogiisa internetka , bishii Maarsh 2016, in  dalka Sucuudi Carabiya, saldhig militari ka furanayo dalka Jabuuti. Arrintaan waxa u xaqiijiyey safiirka dalka Sucuudiga, Dhia-Eddin Bamakhrama

“The agreement will cover cooperation in all terrestrial, marine and aerial military aspects,” Bamakhrama told London-based Al Sharq Al Awsat daily

Haddaba su´aasha is weydiinta lihi waxa weeyi, waa maxay faa´dada ugu jirta dalka  jamhuuriyadda Somaliland saldhig military oo xulafada waddamada isu-tagga carabta iyo Sucuudigu ay ka furtaan, dalka Somaliland?

Arrintani waa arrin muhiima oo u baahan in la daraaseeyo, u baahan in khuburo reer Somaliland ah oo ku takhasustay xagga arrimaha militariga iyo istaraajiyadda iyo siyaasadda soo baadhaan.

Waxa aan odhan karaa afar arrimoodba Somaliland faa´iido weyn baa ugu jirta,

 

  • Siyaasiyan
  • Dhaqaale
  • Aqoonsi
  • Tababar loo fidiyo ciidamadda Somaliland

 

Qodobadan oo faahfaahsan waxa aad ka helaysaa maqaalii hore ee qoray ee  magaciisu ahaa

Ma dhabaa in UAE, waddanka isu-tagga Carabtu saldhig militari ka furanayaan Somaliland maxaa se faa´iido ugu jirta Somaliland?”

Maqaalkan waxaa qoray oo xuquuqdiisa iska leh

©Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

6 November  2016

E-mayl: cadnaan7468@gmail.com

 

 

Halkan hoose ka daawo sawirada dalalka ku looltamaya saldhigyo military oo ay ka furtaan bariga Afrika.

 

 

 

UAE military

Turkish military

France military

 

Iran

 

Russian military

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: