UAE Wants to Open Military Base in Somaliland

UAE Wants to Open Military Base in Somaliland

 

By Sputnik News,

The United Arab Emirates is in the process of landing permission to establish a military post in Somaliland, a self-governing province that has so far failed to achieve international recognition as a sovereign nation.

UAE delegates submitted a formal request to establish a defense base in the region, Somaliland foreign minister Sa’ad Ali Shire said Wednesday.

“The base in the Horn of Africa is thought to be a strategic geopolitical asset in the UAE’s fight against Yemen’s Houthi armed political opposition faction. “The UAE has been building influence in the Horn since the mid-2000s,” according to security analyst Alex Mello, who said the naval bases are “just the latest phase.”

“For years, the UAE has invested in the Horn of Africa, East Africa and the Indian Ocean islands supporting tourism, port infrastructure, natural gas, food security and development aid,” Mello noted.

But the base could unsettle Somaliland’s regional partners, including Djibouti and Ethiopia.

“We don’t want to lose relations” with regional partners such as Djibouti, Shire said, adding that the approval process would be decided by the president and parliament. Some reports indicate that Djibouti’s government has expressed disapproval of Somaliland’s pivot to collaborate with the UAE as a stronger ally.

Further, “the move would likely enrage Ethiopia, a major ally for Somaliland which is the only country that opened an embassy in Somaliland,” Hiiraan reported.

Madaxweynaha dalka Gambiya Yahya Jammeh, oo ku socda wadaddii uu maray madaxweynihii hore ee dalka Ivory coast, Laurent Gbagbo. 20 jan 2017

 

 

Madaxweynaha dalka Gambiya Yahya Jammeh,  oo ku socda wadaddii uu maray madaxweynihii hore ee dalka Ivory coast, Laurent Gbagbo.

Bildresultat för yahya jammeh

Sida aynnu la wada soconno, waxa dalka Gambiya, ka dhacday doorasho dabayaaqadii sannadkii tegay ee 2016. Waxa jagada madaxtinimo ee dalka Gambiya, ku tartamayey, madaxweyne, Yahya Jammeh, oo af soomaali ahaan noqonaysa, Yaxye Jaamac iyo ganacsade, Adama Barrow. Waxa shacabka dalka Gambiya ay u dareereen doorasho. Najiidii waxa ay noqodtay, in shacabka dalka Gambiya, ay codkoodii siiyaan, ganacsade, Adama Barrow. Madaxweyne, Yahya Jammeh, ayaa isagu  ballanqaaday, haddii lagaga guullaysto doorashada, in uu xukunka si nabad gelyo ah uu ugu wareejin doono madaxweynaha cusub.

Haddaba ballantii kamuu soo bixin, waxayna noqodtay, in uu diido najiidii, iskuna sii dhajiyo oo ku sii fadhiyo kursiga. Haddaba waddamo ku yaalla Afrika, ayaa bilaabay, in arrintan si nabad ah lagu xalliyo. Waa waddamada ku bahoobay ururka,  Economic Community of West African States, ururka oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo ECOWAS

Wadamadaas oo tiradoodu tahay 15 waddan, waxaanna ka mid ah, dalalka , Nayjeeriya, Maali, Nayjar, Beniin, Toogo, Ayfari-Koost, Laybeeriya,Siiral-yoon, Giniya, Gini Bisaw, Gaana, Burkina Faaso, Sinigaal, Gaambiya yo Gabo Verde.

Haddaba waa kuma madaxweyne Yahye Jammeh iyo ganacsade, Adama Barow.

Madaxweyne, Yahye Jammeh , waxa uu dhashay  25 may 1965, waa 51 jir, xirfadiisu ahayd , askari.

Sannadku marka u ahaa, 1994, ayuu  afgambi ku qabsaday xukunka dalka Gaambiya, da´diisuna waxa ay ahayd 28 jir. Laga soo bilaabo wakhtigaas ilaa iminka 2017, oo ah 23 sanno, ayuu ka talinayey dalka Gaambiya.

 

Waa kuma madaxweynaha ay doorteen shacabka dalka Gaambiya. Ganacsade, Adama Barrow, dhashay, 16 feberweri 1965, waa dilaal, ganacsade xagga guryaha, waxa uu ku noolaan jiray caasimadda dalka Ingiriiska ee London, halkaas oo uu ka ahaa gaadh haye. Markii uu dalkiisa ku soo noqday waxa uu furtay, Shirkadda guryaha ee uu leeyahay  oo la yidhaaahdo, Majum Real Estate oo u aasaasay 2006. Intii aannu bilaabin ololaahiisa siyaasadeed, waxa uu ahaa xisaabiyaha guud ee xisbigiisa, UDP.

Shacabka dalka Gaambiya oo aqlabiyad cod ah ku doortay, madaxweyne, Adama Barrow, 45,5%

Ilaa iminkadan oo aan qoraalkan qorayo, Madaxweyne, Yahye Jammeh , weli kamuu degin xukunka , waxa ay ahayd maanta oo ay jimce tahay, 20 jeneweri, 2017, in uu caddeeyo in uu xilkii ka degayo, wararku waxa ay sheegayaan in uu codsaday in saacado loogu daro Ilaa 5 galabnimo.  Maanta oo indhaha caalamku eegayaan, dalka Maraykanka, halkaasoo labba madaxweyne xilka qaran ee dalka Maraykanka, ay isku wareejinayaan.

Madaxweyne Barack Obama oo xilka ku wareejinaya, madaxweynaha cusub ee shacabka dalka Maraykanku doorteen , Donald Trump.

Bildresultat för yahya jammeh

Haddaba waxaa laga werwersan yahay, in madaxweynaha Gaambiya Yahya Jammeh,  uu xilka wareejin waayo, dalkuna uu markaa khalkhal weyn oo ammaano darro galo, fawdu, dagaal sokeeye.

2010 ayaa madaxweynihii hore ee dalka Ayfari koost, Laurent Gbagbo, oo doorashada lagaga guulaystay 2010, uu diidey in uu xukunka wareejiyo, kaddib markii natiijada doorashadu soo baxday. Maxaa dhacay markaa. Muddo dheer ayaa la baryeyey in uu xukunka ku wareejiyo madaxweynihii shacabku soo doorteen, Alassane Ouattara.

Markii uu xilka wareejin waayey, ee uu diiday, waxa uu dalku Ayfari-Koost uu galay xaalad fawda ah, dagaal sokeeye, amaan darro, dhaawac iyo dhimasho badan ay diidmadiisii ay sababtay un uu xilka ka dego. Waxaa dhacday markii danbe, in si xun oo aad iyo aad u fool xun loo bahdilo, waxa aan maqli jiray, lax walba meesha ay is dhigto ayaa lagu gawracaa, madaxweynihii hore ee dalka Afari Koost, waxaa dhacday, in gurigiisa askartii ugu daateen, kuwii ilaalinayey iyo madaxdii sar sare ee ciidamada qaranka ee uu  isku halaynayey ay kaga baxeen.

 

Taasina waxa ay suurto galisay in ciidanku galaan qasrigii madaxtooyada, kaddibna isagoo iyo xaaskiisii oo hurdada ugu galeen qolka hurdada, waxaa loo bahdilay si aad iyo aad u foolxun, sawirro laga qaaday oo isla markiiba warbaahinta adduunka lagu baahiyey, bahdilaadii xumayd ee lagu sameeyey, madaxweynihii hore ee dalka Afari Koost, Laurent Gbagbo.

Waa la qabtay, waxaa loo qaaday oo la geeyey, maxkamadna lagu soo taagay, Haag, maxkamadda caalamiga ee Haag. Xaaskiisii, Simone Gbagbo, oo iyadana maxkamadd lagu soo taagay dalka Ayfari Koost, waxaa lagu xukumay 20 sanno.Relaterad bild

Bildresultat för laurent gbagbo

Relaterad bild

Relaterad bildRelaterad bild

Bildresultat för laurent gbagbo

Haddaba haddii uu madaxwyne, Yahya  Jammeh, xilka wareejin waayo, waxaa sugaysa bahdilaadii loo gaystay, madaxweynihii hore ee Afari Koost, Laurent Gbagbo mid la mid ah ama mid kaba daran.

Maxaa la gudboon Madaxweyne, Yahye Jammeh, Gaambiya

Waxaa la gudboon, in madaxweyne, Yahya  Jammeh, caqli la yimaado, oo aannu marin, qaadin wadaddii uu qaaday saaxiibkiisii, madaxweynihii hore ee dalka Afari Koost ee Laurent Gbagbo.

Bal waynu eegnaa meesha ay la marto

Dalka Sinigaal ee ay jaarka yihiin dalka Gaambiya ,ayaa ciidamo militari u soo diray dalka Gaambiya, gudaha dalkaasna ku jira. Waxa ay sugayaan amar la siiyo, si ay xukunka uga tuuraan madaxweyne, Yahya  Jammeh, oo kaddibna maxkamadda la horkeenno. Golaha ammaanka ee Ururka qaramadda midoobay, ayaa maalintii arbacadii, taageeray gelidaa ay ciidamada Sinigal gudaha u galeen dalka Gaambiya.

Relaterad bild

Dhibaatada haysata qaar ka mid ah madaxweynayaasha qaaradda Afrika, waxa weeyi marka doorasho xor iyo xalaal ah lagaga guulaysto, ay isku dayaan in aanay xukunka wareejin, taasina ay dalka, iyaga iyo dalkaba ay u horseedo burbur iyo fawdo dheeraata.

Dalal baddan oo adduunka ku yaal, khaasatan wadamadda Afrika, waxa ay u baahan yihiin in cashar baddan ka qaataan ama ka bartaan, Sidii ay labada madaxweyne ee jamhuuriyadda Somaliland 27 Juli 2010 ay xilka iskugu wareejiyeen labada madaxweyne ee jamhuuriyadda Somaliland,, Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Si nabadda ay xilka ula kala wareegeen, oo aan dhiig ku daadan. Waa taa caqliyadda ay madaxda ama hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ay u baahan tahay.

 

Maqaalkan waxa qoray soona diyaariyey, xuquuqdiisana iska leh

Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

20 Jenaweri 2017

 

Heshiis kale oo waxtar dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u leh Somaliland, kaasi oo Imaaraadka carabtu kaga furanayo magaaladda Berbera saldhig milatari.

heshiis kale oo waxtar dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u leh Somaliland, kaasi oo Imaaraadka carabtu kaga furanayo magaaladda Berbera saldhig milatari. Heshiiskan waxa uu Somaliland  u noqonayaa fursad siyaasadeed oo kaalin togan mustaqbalka ka qaadan kara  ka midho dhalinta qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland

 

Shakhsiyaad Xukuumada Ka Ag Dhaw Oo Ku Hawlan Dhicisaynta Saldhiga Milatari Ee UAE Ka Furanayso Berbera


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 12, 2017 15:22:04
Shakhsiyaad Xukuumada Ka Ag Dhaw Oo Ku Hawlan Dhicisaynta Saldhiga Milatari Ee UAE Ka Furanayso Berbera

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu dedaal weyn geliyay inuu awooda saaro muddada uu xilka hayo sidii uu wax uga qaban lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkan curdinka ah. Si taas loo helo waxa uu madaxweynuhu awooda saaray inuu jabiyo darbigii Somaliland ka hortaagnaa  inay kasbato maalgashiga dawladaha qaniga ah ee Khaliijka carabta.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu dedaalkaas ka bilaabay dalka Imaaraadka carabta oo markii u horreysay ogolaaday inay Somaliland ku yeelato xafiis qunsuliyadeed oo ka shaqeeya isku xidhka danaha labada dal, kaasi oo uu u magacaabay Baashe Cawil Xaaji Cumar, iyadoo muddadii laba sanno ku dhawaadka ahayd ee xafiiskaasi


jiray Somaliland ay u suurtogashay inay cilaaqaad adag la yeelato Imaaraadka Carabta. Waxa iskaashigaas xoogeystay uu keenay in dawladda Imaaraadku noqotay dawladda kaliya ee ka soo jawaabta baaqyada abaaraha ba’an ee dalka ka jira  ee taakulo kala duwan ka geysatay samatobixinta dadka abaaruhu tabaaleeyeen. Sidaas oo kale waxay Somaliland kala shaqeeyaan mashaariic dhawr ah oo ay ka mid yihiin hirgelinta ceel biyoodyo laga binaynayo gobollada dalka.

 Heshiiskii Casriyaynta Dekadda Berbera:

Bishii May ee sannadkii 2016 waxa dawladaha Somaliland iyo shirkadaha dekadaha ee imaaraadka ee DPWOLD, kala saxeexdeen maalgashigii ugu ballaadhnaa ee shisheeye ee waligeed Somaliland hesho  oo ay ku maalgelinayaan marsadda Berbera. Waxaanna ku baxaya adduun lagu qadaray $442 Milyan oo doollar oo lagu casriyaynayo dekadda Berbera. Heshiiskaas oo noqday mid Somaliland u fura in sharaa’iga waaweyn ee caalamiga ahi ku aaminaan inay maalgashan karaan.

Heshiiskan waxa ku jira la dhiso jidka isku xidhaya magaalo xeebeeda Berbera iyo Itoobiya, kaasi oo isna ah faa’iido kale oo sahlaya inay marsadda Berbera adeegsato Itoobiya iyo dalalka kale ee mandaqada ee aan lahayn badduhu.

 Heshiiska Saldhiga Milatari ee Imaaraadka:

Waxa kaloo isna dhammaad ku dhow in qalinka si rasmi ah loogu duugo heshiis kale oo waxtar dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u leh Somaliland, kaasi oo Imaaraadka carabtu kaga furanayo magaaladda Berbera saldhig milatari. Heshiiskan waxa uu Somaliland  u noqonayaa fursad siyaasadeed oo kaalin togan mustaqbalka ka qaadan kara  ka midho dhalinta qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

Heshiiskan waxa uu kor u qaadayaa qiimaha iyo mustawaha siyaasiga ah ee Somaliland ka ciyaarayso mandaqadda. Waxaanna saldhiga milatari heshiis ku ah oo soo dhaweeyay dalalka jaarka ee masaalixda siyaasadeed iyo kuwa nabadgelyo innaga dhaxeeyaan oo ay ugu horreyso dawladda Itoobiya.

Heshiiskani waxa  tababaro noocoodu sareeyo  iyo dhaqaale ka helaya ciidammada ilaalada xeebaha iyo laamaha ammaanka ee Somaliland  oo uu noqonayaa mid dhaqaale abuur u noqda  bulshadda magaalada Berbera oo dhaqaale ka soo galayo xarakaadka dadka badan ee imanaya saldhigan.

Waxa mashaariicda laga dheefayo heshiiskan ka mid ah in la dhisayo waddo tareen oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Diridhabe.

 Kooxaha Ka Soo Horjeeda Saldhigan:

Waxa indhawaaleba isa soo tarayay kooxo caaridaya oo ka soo horjeeda saldhigan, waxaa kooxdan hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo ku hawlan tallaabooyin lagu mijoxaabinayo  heshiiskan.  Waxa iyaguna dayaacado ummadda lagu shaki gelinayo oo looga gol leeyahay in la kala kiciyo heshiiskan wada warbaahinta taageerta  xisbal-xaakimka KULMIYE,kuwaas  dacaayadeynaya Heshiiskan. Waxaanna la isweydiinayaa sababta warbaahintii iyo shakhsiyaadka kale ee dawladda ka tirsani ay ugu hawlan yihiin inay burburiyaan heshiis ahmiyad dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u Leh Somaliland?

Xigasho:

Hadhwanaagnews.com

 

Qaybtii labaad Jabintii Cabdilaahi Askar Allaa yarxama. .

 

Ahmed Ahmeds foto.

Qaybtii labaad Jabintii Cabdilaahi Askar Allaa yarxama.
Ku sinaan 6-dii subaxnimo ayay dhaqajiyeen Xarshina waxay galeen waqti yar ka dib, waa bishii april 12-kedi 1983. xaruntii SNM-ta ee Xarshimeed ayay meydkii ku rogeen sidaasa laguna aasay iyana sidaasay Ethiopia ku galeen.
Magacyada Mujaahidiintii Hawlgalkan fuliyay:-
1. Ibrahim Ismail maxamed Koodbuur
2. Cabdi salaan turki
3. Biixi xaaji xasan
4. Siciid Cabdi yaasin (Siciid-Birjeex)
5. Siciid
6. Axmed xuseen warsame(Maloosh)
7. adan Maal Caqli
8. Saleeban Siciid
9. Jaamac maxamed cali
10. Maxamed Carab
11. Axmed Ismaciil Yuusuf.

.
Dadka Cabdilaahi Askar ku dhowdhowi waxay sheegaan in nabaradii maalintaa lagu dhuftay Cabdilaahi ay wali ka muuqdaan Jidhkiisa, sidaa aan kasoo xigtay Mujaahid CALI FALAAX, oo hada dagan wadanka UK.
Markii uu soo baxay ayaan is hor taagay Aniga oo kasoo jeestay xaggii daaqadaha, waxa aan ku idhi Waar Baabuurka fuul.. Waar baabuurka fuul. Anigii ayuu iga shakiyay, Ibraahim iyo Cabdisalaan oo uu soo dhaafay ayuu ku yidhi Waar ma Baabuurka ayaan fuulaa , Ibraahim ayaa la hadli waayay markasaan Ibrahim ku idhi “Waar Baabuurka fuul dheh”, Ibrahim ayaa u ishaaray inuu Baabuurka fuulo, xaggii Baabuurka ayuu u laabtay oo dhinicii Dirwalka ayuu soo maray. Dhinaca kale mar oo ka soo gal ayaan ku idhi, Ibraahina Baabuurkii ayuu la fuulay Shidhkii. Siciid Cabdi Yaasiin oo Baabuurka wadayna ma ahayn inuu ka dago, balse inuu saarnado ayay ahayd. Aniga iyo Cabdisalaan Turki ayaa ku dhaqaaqnay Biixi Xaaji Xasan oo dhaawacnaa. Siciid oo isna dhaawac ahaa, xabbadu waxay ku dhacday isagoo Baabuurka saaran oo kalama uu soo degin.
dhawr goor ayaa degdega awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo hadana noo joogsaday oo hadana dhaqaqay. Baabuurku in door ah ayuu naga goay oo Albaabkii laga baxayay ayuu ku dhawaaday, Annaguna dhaawicii Biixi ayaanu daba sidnay. hadadna wuu dhaqaaq oo noo joogsaday. Biixi Xaaji Xasan aad ayuu u dhawacnaa oo naftuba waa ay kasii gurmaysay. Waxa uu nagu yidhi “Waar Annigu dhintayee yaan Baabuurku idinka tegin”.sidaa ayaanu Baabuurkii ku fuulnay, Biixina markii aanu tagnay naftuba way ka baxday oo nolol laguma soo gaadhin.
Sidaa ayaanu ku ambabaxnay Annagoo Baabuur keliya wadana. Albaabka Galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka bari ka mara Guriga uu Cabdilaahi Dirwal iminka ku jiro ayaanu qaadnay, waxa aanu u joogsanay Saddexdii Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaa wax naga sii yaacaya mooyaane Dugsigii 1st July oo iminka ah Jaamacadda Hargeysa ayaanu Bari ka marnay. Masaajidka Isha Boorama ku yaala, galbeed ayaanu ka marnay, Magaalo qaloocan oo ahayd Xeradii Ayaxa ayaanu marnay. Midig ayaanu u baydhnay oo Dalcadda Kalajarka dariiqa ka booda ayaanu marnay. Markii aanu ka baxnay Dalcadii kalajarka ayaa Baabuurkii naga hashkadeeyey oo joogsaday. Waxa naga horaysay Xero Ciidan degenyahay iyo Gantaalihii. labada dhexdooda ayaanu marnay, Cadceedu markaa way sii dhacaysaa, Waxay nala noqotay inaanu ciidankaa Cadceeda hoosta ka marno, waayo haddii aanu Cadceeda kasoo baxa ka mari lahayn way na ogaan lahaayeen. Xagga cadceeda inaanu kamarnaa anaga ayay na caawisay. Xeradii markii aanu dhaafnay ayaanu bidixda u baydhnay.
Markale ayaa Baabuurkii hashkadii bilaabay, Annagoo socona halka ay ku kala baydhaan wadada Madaarka tagta iyo ta Ina Naxar usoo leexata. Kucladdii ayaanu in shidaal ah ku shubnay waa uu noo dhaqaaqay, markii ilaa boqol talaabo soconay ayuu haddana joogsaday. Tallo ayaanu markale is weydiinay intii aanu tashanaynay ayay cadceeddii halkaa noogu dhacday. Cabdisalaan Turki ayaa soo jeediyay inaanu Salatul-Shukri tukano, waananu tukanay.”Markii ay tukadeen ayay baabuurki yara hagaajisteen oo dhaqaajiyeen. Waxay qoorsadeen wadadii Habaas weyn. Darfacle markii ay dhaafeen ayay laydhka shiteen. Makhaayad ku taala Tuulo la yidhaa Cunaaye ayay joogsadeen, Dadkii ayay waraysteen inay wadadu kala baydhayso inta Gumburaha banka ka horaysa iyo inkale. Waxa loo sheEgay inay kala baxayso. Meesha oo kayn ahayd awgeed dadkii ayay weydiisteen in cid la raaciyo, dad aqoon u leh Jidka. Laba nin ayaa lagu daray iyadoo loo qaatay inay yihiin Jaadlayaal.
Labadii nin waxay ku simeen Gumbiriihi Banka, halkiina nin kale oo dal mariye ah ayay ka qaateen, Waxay cagta saareen Wadadii Gumar u baxaysay. Meel fog ayaa waxa uga muuqday Leydh horgoynayay oo ka soo baxay Bali Gubadle oo xaga Gumbureed u socda. Markii dambe ee ay talaabeen waxay ogaadeen in laydhii hor goynayay ahaa BeeBee ciidamadu lahaayen oo iyaga loo soo diray. Waxa intaa lagu daray in Baabuurkaa Beebeega ahaa uu la booday ciidankii uu siday mar uu xurfad ku dhacay oo nina uu geed kasoo laad laadsamay nina dhulka ku dhacay oo luqunta wax ka noqday. Intii ay shilka ku hawlanaayen ayay iyaguna xuduuda ka talaabeen. sidaa ayay Gumar ku tageen, Gumar waxa ay kala kulmeen Ciidankii oo halkaa ku joojiyay Ibrahim Koodbuur baa ku yidhi “Waxanu nahay Koofiyad castii qaybta ee wax Baabuur ahi ma idin dhaafeen.. Baabuur ayaa lanagala soo baxsadee..?”, Maya ayay ugu jawaabeen Askartii, Ibrahim koodbuur waxa uu faray Askartii inay wixii Baabuur ah ee ay arkaan ay joojiyaan. Waxa uu intaa u gu daray inay Xaga Bali Cabane u dhaafayaan.
Ibrahim kood buur sidii ayuu u labisnaa. Intii aanay gumar ka tagin waxay sii waraysten inay wadadii caraancaray miinaysantahay iyo inkale waxa loo shegay inaanay miinaysnayn, sidii ayay ku dhaqajiyeen markii ay gumar in yar ka socdeen ayay u baydheen wado yar oo la yidhaa Wada tuug oo xarshin ku beeganta, caraancarayna xaga galbeed ka marta. Idhinka xarshimeed markii ay u baxeen ee ay laamayarada marayeen ayay siciid oo dhawac ahaa oo baabuurka saarnaa yidhi Waar biyo I siiya kol haddii aynu soo talownay reer Banka agtiisa yaalay ayaanu joogsanay oo biyo weydiisanay. Waqti ayay ku qaadatay intii biyaha loo keenayay sidii loo tooyanayay.
Biyihii ayay siiyeen Siciid nimankii ayaa u sheegay in kol haddii gabalku dhaco aan xarshin la geli Karin, gaar ahaan iyagoo hubsitay Baaburna watay. Sidii ayay yeeleen saacadu markay ahayd 2:45a.m saacadod ayay siciid naftii ka baxday. Subaxnimadii ayay goor hore tooseen iyadoo uu Maydkii gaadhiga u saaran yahay ayay damceen inay dhaqaaqaan, baabuurkii ayaa kiciwaayay qafaska ayay ka qaadeen waxayna arkeen inay xabbadi kaga dhacday qasabadii baabuurka halkii xabadu kaga dhacday ayay qasabadii warqad ku duubeen, Beytariga qudhiisu waa uu ka yara seexday, waa ay riixen inyar ka dibna waa uu istaadhmay.
Ku sinaan 6-dii subaxnimo ayay dhaqajiyeen Xarshina waxay galeen waqti yar ka dib, waa bishii april 12-kedi 1983. xaruntii SNM-ta ee Xarshimeed ayay meydkii ku rogeen sidaasa laguna aasay iyana sidaasay Ethiopia ku galeen

Uducee intii kudhimatay Howlgankan iyo dhamaan dibu xorayntii slnd. Aamin

Ahmed Ahmeds foto.