Maanta oo kale. Balli-samatar. 30-MAY-1988. Suleyman Yusufdhakhtar

 

Maanta oo kale. Balli-samatar. 30-MAY-1988.

Daawo Video-gan qiirada leh, ee la duubay maanta oo kale 27 sano ka hor, markii ay Ciidamada SNM, qaybtii Aaga Makka ay usoo caraabayeen Magaalada Hargeysa. Fadlan daawo 20-kan daqiiqo ee qiirada leh, ”Share”-na dheh, si ay ummadeenu u xasuusnaato taariikhdii ay soo martay. Hoosna ka akhri sidii ay Ciidama SNM Hargeysa ku soo galeen iyo wixii dhacay maalmahaas.

Galabnimadii 30-MAY-1988-kii, oo ku beegan maanta oo kale 27 sano ka hor, waxaa heegankii ugu danbeeyay la geliyay ciidankii dhaq-dhaqaaqa waddaniga Somaliyeed ee SNM, qaybtiisii Aaga Makka. Iyagoo amar ku qaba inay cagta mariyaan Ciidan ku sheegii daaquudkii Siyad Barre ee magaalada Hargeysa fadhiyay. Ciidankaasi waxay ka koobnaayeen qiyaas ahaan ilaa 1,400 oo Mujaahid, waxayna wateen ilaa 20-taneeyo baabuur oo xamuul ah. Qoryaha Tiknikaduna waxay ahaayeen ilaa 13 xabo oo kal ah: 1 xabbo oo Zuu 23, 2 xabbo oo ZGU (Lidka diyaaradaha) , 2 jiib, 1 Beebee, 1 SK43, 1BM21, 1 Baroon, 3 xabbo oo Grand B iyo 1 xabbo oo ah Anti-tank 57.

Waxay Bali-Samatar ku tukadeen salaadii duhur iyo tii casar oo is-raacsan.Suurada As-saff ee uu akhriyaayo mujaahidka Video-ga ku jiraa, aayada saddex iyo tobnaad ee suuradaas ee uu mujaahidkuna akhriyaayo micne ahaan waxay noqonaysa. “‘Arin kale oo aad jeceshihiina (wuu idin siin) waa gargaarka Eebe iyo Fatxi (Guul) dhaw,kuwa xaqa rumeeyayna u bushaaree”‘.

Waxaa timi bushaaradii wuxuuna dhiilku ku buuxsamay dulmigii.Waxayna ciidamadii Xaq u dirirka SNM ka soo dhaqaaqeen goobtaas ilaa 1:30 duhurnimo taariikhdu markay ahayd 30 May 1988. Waxay soo mareen wado la yidhaahdo Tabo-taxan. Muddo yar dabadeedna waxay ka soo gudbeen xadka iyagoo kaga soo dhacay wado qarda-jeex ah oo dhex marta kaymaha Sayla’.

Markay xadka ka gudbeen waxay ka dageen baabuurtii xamuulka ahaa muddo daqiiqado ayay dhulka joogeen. Halkii ayay ka sii amba-qaadeen socodkoodii, intii ay soo socdeen waxaa meelaha qaar lagaga soo tuuray madaafiic laakiin umay joojin ee waxay haybsadeen halkii ballantu ahayd iyo Hargeysa.

Waxaa dul heehaabaysay diyaaradii dagaalka ee Faqashta. Waxay intii ay sii socdeen fooniyaha ka maqlayeen faqashtii oo ku wada hadlaysa “…Halkay ku soo beegan yihiin, waa ciidan intee le’eg, soo daaya guddaha ha soo galaane…” Haseyeeshee casar-gaabkii markay cadceedu liiqa sii dhigaysayso ayay maqleen guux kaarayaal ka soo socda dhinaca Gadh-yogol oo ahaa ciidan faqash ah oo ku soo daba jiray.

Haseyeeshee markay marayaan meesha la yidhaahdo Masalaha oo qiyaastii ilaa tobaneeyo KM koonfur ka xigta Magaalada Hargeysa, Salaadii Makhribna soo gashay ayay fooda is-dareen ciidan xooggan oo jid-goyn ah oo ku gaashaaman kaarayaasha gurguurta. Masalaha waxaa ciidankaa jid-goynta ah iyo ciidamadii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM ku dhexmaray dagaal qadhaadh oo gabalku iskula dhacay.

Qorshaha Faqashtu wuxuu ahaa in halkaa lagu joojiyo ciidankii SNM dhabarkana lagaga yimaado. Muj: Ibraahim Dhegaweyne oo arrintaa Wargeyska Haatuf uga waramayna 2003 oo ku beegnayd sannadguuradii 15aad ee Gudo-galkii Hargeysa wuxuu yidhi “..waxaanu halkaa ku gaadhnay ilaa tobankii habeenimo, roob baa nagu da’ay, waxay noqotay habeen madow ah, is-gaadhsiin ma haysano, xagga hore iyo labada dhinacba ciidamo ayaa naga fadhiya,

waxaana la doonayay inuu halkaa waagu noogu beryo oo inta nala hareereeyo gam nalaga siiyo” Hadaba si arrintani aanay u dhicin ayaa saraakiishii militari ee SNM oo aqoon durugsan u lahaa xeesha dagaalka ee milatari halkaa ku dhaafeen laba urur oo ka tirsan Guutadii 20aad si ay ciidankaa uga takhalusaan islamarkaana jid-goyn ugu noqdaan dhabar-jebin kaga timaada ciidamadii Faqashta ee xadka fadhiyay, halka labadii guuto ee kale (Sayid Cumar iyo Sancaani) iyo ururadii kale ee Guutadii 20aad hore ugu sii ruqaansadeen Hargeysa oo ahayd halkii yoolku ahaa.

Waxay ka dageen baabuurtii xamuulka ahayd iyo tiknikadii waaweynayd oo waddo kale oo Xagal marta soo maray, ciidankiina waxay bilaabeen inay lug ku soo guureeyaan iyagoo gaboodsanaya gudcurkii habeenimo, riixanayana tiknikadii fududayd si aan guuxooda loo maqal. Waxay soo guureeyaanba waxay soo gaadheen qiyaastii 12:00 habeenimo meesha la yidhaahdo Sheekh Cumar oo ku taala cidhifka koonfureed ee Magaalada Hargeysa. Waxay halkaas ku nasteen muddo, Illaahayna ku baryeen inuu guusha ka siiyo. Waxaa la siiyay amarkii kama dambaysta ahaa ee inay galaan Hargeysa bar tilmaameedna ka dhigtaan xarumaha Ciidamada Faqashta.

Saacada Afrikada Bari markay 2:30 saq-badhkii waxay soo gaadheen Xaafada Isha-Boorame, oo uu ku yaalo Taliskii Qaybta 26aad ee Ciidankii Faqashka (oo imika ah Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland), waxaa Taliska Qaybta dhawr boqol oo mitir waqooyi ka xiga Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Ciidanka Bilayska iyo Miiska Saraakiisha oo galbeed kaga beegan.

Waxaa il-qabatin isku jira Ciidamadii xaq-u-dirirka ee SNM oo dhaarsan, wacad-na ku marsan Guul ama Geeri iyo Ciidankii Faqashta ee Gaaska 2aad ee Qaybtii 26 aad oo u sii diyaar-garoobay difaac-na kaga jira dhufaysyadoodii kana kooban: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guuto 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guuto 87-aad oo fadhigeedu ahaa Bali-Shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaa fadhiisimooyinka Guutooyinka oo dhan. Gaaska 2aad waxa taageerayey Urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo Hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa.

Gaaskan waxa kale oo kayd xoojin ah u ahaa 6 Baabuur oo BM13 ah, 3 Baabuur oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaa 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne, Ciidamadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Urur Daraawiish ah, Urur Koofiyad Cas ah, Urur Miinada ah, Urur Isgaadhsiin ah, Urur Saadka ah, Ururka Dhismaha, Hurinta warshadaha kabista, Cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masalaha, Waraabe Salaan, iyo Berbera. Waxa kale oo kayd ahaan u diyaarsanaa Ciidanka Circa oo haystay 3 diyaaradood oo hawl gal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf Waraabe iyo rag kale. Guutada 24aad waxay haysatay Tikniko ka koobnayd 23 Beebee iyo 24 Madfac (106).

Ciidamadii SNM oo gadoodsani waxay ugu horeyntiiba guluf ku qaadeen Taliskii Qaybta 26aad ee Faqashta. Markay u jiraan Taliskii Qaybta ilaa kiilomitirna waxa ku bilaabantay rasaastii Faqashta waxaana sidaa ku bilaabmay Dagaalkii Hargeysa. Habeenkaa waxaa dhacay dagaal aad u foolxun oo maryo dhiig leh la kala furtay. Waxaa magaalada afarteeda dacal gilgilay gariirka iyo dayaanka hubkii ka dhacayay qoryaha noocyadiisa kala duwan oo la isugu addeegsanayay si arxan-daro ah oo aan kala go’ lahayn iyadoo rasaasta ka dhacda boobayaasha fudud-na la iskugu afuufay sida dhibicda roobka.

Waxaa cirka iftiimiyay hilaacii iyo ololkii ka baxayay qoryaha waaweyn iyo iftiinkii rasaasta, Waxaa meelaha qaarkood waxa cirka isku shareeray qiiq ka baxayay goobihii la isku faro-saaray, iyadoo hawadu saaqantay oo baaruudu ka uraysay. Waxay ciidamadii SNM habeenkaa mireen oo cagta mariyeen Gaaskii 2aad ee ciidamadiii Faqashta iyagoo qabsaday Taliskii Qaybta, Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Booliiska, Miiska Saraakiisha iyo Wershadii Laydhka. Gen. Morgan iyo saraakiishiisii oo argagaxsana waxay u baxsadeen Madaarka Hargeysa.

Waxaa Hargeysa ku soo qulqulayay Gaaskii 1aad ee Qaybtii 26aad ee Ciidankii Faqashta oo ka soo gurmaday Gabiley iyo Boorame. Waxaa dhacay habqan dagaal oo waxaa isku milmay oo la kala garan waayay faqashtii iyo SNM-tii. Hiirtii waaberi markii ruux iyo geed la kala gartay dagaalyahaniintii SNM waxay bilaabeen inay u soo gudbaan dhanka waqooyi ee magaalada iyagoo koox-koox u socda, markay ka soo talaabeen Dooxa Hargeysa dhinaciisa Shacabka waxay dooxa qarkiisa kula kulmeen ciidankii gurmadka ahaa.

Waxaa goobtaa ka dhacay dagaal culus oo jilbaha la is-dhigay oo ciidamadii SNM askaxa ka dhigeen ciidankaas. Qiyaastii 6:30 aroornimo waxa istaagtay rasaastii, ciidamadii SNM waxay bilaabeen inay u soo talaabaan dhinaca waqooyi ee magaalada iyagoo sii dhexmaray Xaafadaha Goljano iyo Xero Awr, waxayna isku urursadeen oo difaac ka galeen Idaacada dabadeeda iyo Xaafada Xawaadle.
Dhanka kale Dadweynahii Reer Hargeysa ayaa habeenkii oo dhan joog iyo jiif qaban la’ aa saamalayl-na ku dheg-taagayay iyagoo sugi kari la’ iftiinka waaga si ay indhahooda ugu arkaan sida xaalku yahay. Subaxnimadii qiyaastii ilaa 6:30 subaxnimo waxay Reer Hargeysa ku waabariisteen oo ay indhahoodu markii ugu horeysay qabteen ciidamadii SNM oo dhalinyaro da’doodu ka yar tahay 25 jir u badan oo koox- koox u socda kuna labisan isku-goojyo shiingay (jiinis) ah oo midabkoodu yahay cirkoo kale (light blue) iyo dirayska loo yaqaan qabaleega oo midabkoodu ahaa cagaar madow.

Waxaa ka dhex muuqday saraakiishoodii oo timaha gadhka la baxay islamarkaana xidhnaa koodhadh midabkoodu ahaa a cagaar madow xiga, madaxana ku duubnaa cumaamado midabkoodu ahaa casaan iyo cadaan isku jira iyo madow iyo cadaan. Waxay dadaweynihii Reer Hargeysa ku soo dhaween Ciidankii SNM farxad iyo gacmo furan. Dumarku waxay kula yaaceen raashin iyo cunto xitaa waxaa dhacday in dumar qiiraysani ay askartii Faqashta ee Idaacada joogtay ay raashin u geeyeen iyagoo u haysta SNM.

Waxaa ciidamadii SNM ku biiray kumanaan ka tirsanaa dhalintii Reer Hargeysa Waxay dhalintaa iyo dadweynihiiba jareen wadooyinkii ay is lahaayeen waxaa soo mari doona Faqashta gaar ahaan kuwii u dhawaa goobihii SNM fadhiisinka ka dhigatay. “Hooyo Idin Kala Garan Maynee Guulaysta ” ayaa noqotay odhaah caan baxday oo ka hadhay qaar ka mid ah dumarkii waayeelka ahaa oo ay ku adkaatay inay kala gartaan SNM iyo askarta faqashta. Ciidamada SNM waxay ku hubaysnaayeen qoriga noociisu yahay AK47 oo candho- laab ah, SNM-tu u taqaanay Nuur-madoobe. Waxaa laabta u sudhnaa booshash ay ku jireen saddex qasnadood ama naas oo rasaas kayd ah iyo bambada gacanta laga tuuro nooca loo yaqaan F1. Buraasshado biyo ah iyo baco ay ku jirtaan sahaydii (sabaayad) waxay u sudhnaayeen sinta (misigta).

Qaarkood waxa kale oo ay sideen qori loo yaqaanay Law oo ahaa lidka taangiyada, kooxdiiba waxaa la socday dagaalyahano ku jeeni-qaaran silsilada qoriga darandooriga u dhaca ee loo yaqaano PKM halka qaar kalena oo ku gaashaanaayeen qoriga beebee-ga la iskaga celiyo ee baasuukaha oo rasaastiisana tuurta ku sitay.

Ciidankaas SNM ee soo hujuumay Hargeysa 31 May 1988 wuxuu ka koobnaa guutooyinka Sayid Cumar, 20aad iyo Sancaani oo ka mid ahaa Qaybtii Galbeed ee loo yaqaanay Aagga Maka oo taliskooda sare u dhisnaa sidan:
Muj: Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Taliyaha Aagga
Muj: Maxamed Axmed Ibraahim (Dayib-gurey), Abaanduulaha Aagga
Muj: Cabdillaahi Askar, Taliyaha Hawlgelinta Aagga
Saraakiisha kale ee ciidanka hoggaaminaysay waxa ka mid ahaa: Muj: Muuse Biixi
Muj: Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Muj: Aadan Dhamac oo ahaa Taliyaha madaafiicda, Muj: Cabdiraxmaan Axmed Xirsi (Xuunsho), Muj:Xasan Ganey oo Tiknikada qaabilsanaa iyo saraakiil kale. Waxaa Hargeysa sii joogay koox sahan oo ka kooban 18 xubnood oo ay hoggaaminayeen Muj: Maxamed Xasan (Gacma-dheere) iyo Muj: Cali Gurey.

Guutada Sayid Cumar waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:
1. Muj: Maxamed Cilmi Samatar, Taliye
2. Muj: Maxamed Xasan (Gacma-dheere), Abaanduule
3. Muj: Falastiini, Taliyaha Ururka 1aad
4. Muj: Cabdiraxiim Maxamed (Bidhiidh), Taliyaha Ururka 2aad
5. Muj: Maxamuud Abu-raas, Taliyaha Ururka 3aad

Guutada 20aad waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:
1. Muj: Axmed Dhagax, Taliye
2. Muj: C/kariim Xaashi Cilmi, Taliye-xigeen
3. Muj: Yoonis Cali Aadan, Abaanduule
Taliye ururo iyo taliye unugyo waxaa ka ahaa mujaahidiinta ay ka midka ahaayeen: Muj: Axmed-aakhiro, Muj: Cumar Iska-yimid, Muj: C/risaaq Daahir Dhidar (Beelo-guba), Muj: Maxamed-Dhako, Muj: Xuseen Cabdi Weerar, Muj: Rashiid-burur iyo Muj: Axmed Shire Guud-cadde. Guutada 20aad waxaa la aasaasay sannadkii 1987 waxaana laga aasaasay ciidamadan: 1aad oo fadhigoodu ahaa Qudhac -raamaale, 3aad oo saldhigoodu ahaa Dibiile, 5aad iyo 6aad oo ka soo baxay Dugsigii Tababarka ee Qabri-bayax.

Guutada Sancaani oo ay hoggaaminayeen mujaahidiinta kala ah:
1. Muj: Weerar/ Muj: Aadan Cadde, Taliye (Muj: Weerar wuxuu dhintay habeenkii ugu horeeyay waxaana kala wareegay Muj: Aadan Cadde)
2. Muj: Maxamuud Haybe, Abaanduule
3. Muj: Maxamed Ibrahim (Ina Qayliya) Taliyaha Ururka 1aad
4. Muj: Maxamed Gahayr, Taliyaha Ururka 2aad
5. Muj: Maxamed Koosaar, Taliyaha Ururka 3aad
6. Muj: Axmed Garow, Taliyaha Ururka 4aad

7. Muj; Maxamed Cabdi awr oo Ku magac dheeraa Alif-doon

Waxaa Hargeysa Gurmad ahaan ugu yimi ciidankii Cadaadley galay ee uu hogaaminaayay Muj Xuseen Dheere, oo ka koobnaa Guutooyinka Sayid Cali iyo Barkhad iyo qayb Sh.Sancaani ka mida, iyagoo xoojin u noqday ciidankii Hargeysa joogay.

SNW waxay Hargeysa ku jiray laba bilood, Inta badan xadku wuxuu ku e’kaa laamiga dheer ee dhanka waqooyi ka mara Cisbitaalka Guud ee Hargeysa min galbeed ilaa bari marka laga reebo Xabsiga Dhexe oo Faqashtu haysatay. SNM waxay haysatay qayta waqooyi ee Magaalada Hargeysa halka Faqashtuna joogtay qaybta koonfureed ee magaalada.

Waxaa halkaa ku geeriyoodin boqolaal ka mid ah dagaalyahanadii SNM iyagoo dhagta dhiiga u daray kumanaan ka tirsan ciidankii faqashta. Mujaahidiinta Dagaalka Hargeysa ku dhimatay waxaa ka mid ahaa: Muj: Maxamed Xasan Gacma-dheere oo geeriyooday 26/06/1988, Muj: Axmed-dhagax, Muj: Maxamuud Haybe, Muj: Weerar, Muj: Yoonis Cali Aadan, dhamaan saddexdii taliye urur ee Guutada Sayid Cumar iyo inta badan taliyayaadhii ururada & unugyada ee dhamaan guutooyinkii SNM ee ka dagaalamay Hargeysa ee Sayid Cali, 20aad, Sancaani iyo Barkhad.

Alle ha u naxariisto Shuhadadii SNM ee dagaalkas xaq u dirirka ku shahiiday iyo shacabkii aan waxba gallabsan ee 50-ka kun kor u dhaafaayay ee diyaaradihii iyp hubabkii kala duwana iyo Ciidamadii faqashtu xasuuqa ugu geysteen dhulka Somaliland. Shacabka Somalilanow ha i laawina mujaahidiintii iyo wixii dhib umadiina ku dhacday, hala xuso hana la xusuusnaado wixii ummadani soo martay.

Illaahay Guusha Somaliland iyo Shacabkeeda ha siiyo, Cadowgoodana ha jabiyo.

Xigasho: Suleymaan Yuusuf Dhakhtar

Suleyman Yusufdhakhtar