Somaliland ma u baahan tahay in golaha gurtida doorasho la geliyo mise in sidaa lagu daayo? 20 oktober 2018

 

 

Somaliland ma u baahan tahay in golaha gurtida doorasho la geliyo mise in sidaa lagu daayo?

Taariikh kooban.

 

Gurtida waxa la aasaasay  sannadu markii u ahaa, 1988, waxaanna  lagu aasaasay tuuladda Caydaroosh oo ka tirsan gobollka Maroodi Jeex. Wakhtigii lagu jiray halganka dib ula soo noqoshada Somaliland.

 

Ujeeddada loo aasaasayna waxa ay  ahayd laba arrimood

 

 

1- Sidii islaax iyo isku soo dhawayn looga dhex samayn lahaa saraakiisha sar sare ee SNM, oo arrimaha qaarkood isku khilaafsanaa.

 

2- Sidii ay u soo uruurin lahaayeen xoolihii Ciidamadu cuni lahaayeen

 

Shirweynihii Somaliland ee boorama, 1993, ayaa lagu go’aamiyey in gole qaran laga dhigo, dhistuurka qarankana lagu qoray. Tirada Xubnaha gurtida waxa ay bilawgii ahaayeen 75 xubnood. Shirweynihi qaran ee 1997, ee lagu dooranayey madaxweynihii 2 aad ee Somaliland. ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Ilaahay ha unaxariisto) ayaa lagu kordhiyey 7 xubnood oo loogu daray beelaha laga tirada badan yahay.  Tiro guud waxa ay isla noqodtay 82 xubnood.

 

Gurtida

Haddaba laga soo billaabo wakhtigaas 1993 illaa maanta waa gole qaran. Xubnaha gurtida Somaliland.Waxa ay kooban yihiin oo ka soo kala jeedaan dhammaan beelaha kala duwan ee Somalilandku wada nool

Mudadii ay jireen waxa ay soo qabteen hawlo waaweyn oo Somaliland u horseeday nabad iyo horumar.

 

Markii lagu daray dhistoorka Somaliland, waxa la siiyey awood aad u weyn oo ay ka mid yihiin.

 

  • In Madaxweynaha qaranka ay soo xulaan kaddibna ay iyagu doortaan, iyagoo metelaya shacabka.
  • In la soo mariyo xeerarka ka soo gudba golaha wakiilladda arrimhaas iyo arrimo kale oo badan

Waxa kale oo ay ka hawl galeen intaas oo shirar  nabadeed oo colaado ama dirrir dhex martay beelaha ay ka dhex sameeyeen islaax iyo isku  soo dhawayn fiican

 

Bilden kan innehålla: 1 person, sitter, skärm och inomhusBilden kan innehålla: 1 person

Gurtida Somaliland waa qayb ka mid ah rukumada ama tiirarka ay Somaliland ku taagan tahay. Waxa haddaba mar kasta oo ay doorasho soo dhawaato la soo hadal qaadaa golaha gurtida Somaliland.

Waxa bilawgii  1993 Somaliland yimid, sarkaal sare oo ka socda safaaadda dalka Maraykanka ku leedahay magaalad Jabuuti. Markii uu socday shirweynihii Boorama ee beelaha Somaliland kaga tashanayeen aayaha mustaqbalkood,. Oo markaaba soo jeediyey in gurtida. Waxa uu markaa soo jeediye in gurtida Somaliland ay doorasho ki yimaadaan.

Arrintan oo runtii odeyaashii ka cadhaysiisay, iyagoo u arkayey in arrimahooda hoose ay dawlad shisheeye soo fara gelisay. Markii danbe ee ay Jabuuti ugu tageen sarkaalkaas jawaab cad ay siiyeen gurtudi.  Sida ay arrimahooda hoose u xallinayaan ay iyaga u taallo ee aanay cid kale u oolin.  Weli arrintii halkii ay taagan tahay waxa dhaowr ay qolooyinka qaadhaan bixiyaashu soo jeediyeen in doorasho la geliyo golaha gurtida. Dhawr goor madaxdii dalka hoggaaminaysay ay ku gacan saydheen.

Haddaba Shacabka Somaliland waxa looga baahan yahay, in meesha ay maslaxadoodu ku jiraan ay eegaan. Dal iyo ummad kasta oo adduunka ku  nooli waxa ay leeyihiin hab ay heshiis ku yihiin oo ay isku maamulaan.

Haddaba su´aasha isweydiinta lihi waxa weeyi Somaliland u baahan tahay gurtida in doorasho la geliyo mise waa in sidaa ay tahay lagu daayaa?

Anigu waxa aan qabaa baahidii Somaliland ay u qabtay Gurtida tan iyo 1991, in ay weli taagan tahay, 2018. Waanay taagnaan doontaa baahida gurtida loo qabo  illaa inta ay jiraan beelaha Somaliland.

Somaliland si weyn ayey ugu soo caano maashay intii ay jirtay gurtidu. Waa gole dhaqan oo aad loogu bahaan yahay.

Innagoo marayna 2018, ayaa maalin walba waxa la soo sheegaa colaad ka dhex qaraxday laba beelood.  Ama dawladii iyo golihii wakiilladda ayaa is haysta, waxa ay noqonaysaa in  loo yeedho Cabdi Waraabe oo sarriirta jiifa in uu xal ka galo arrimaas.

Waxa aynnu samaynay wax cajiib ah oo adduunyadu aad ula yaabtay habkan isku dhex jirka ah ee aynnu isku maamulno, dhaqankeennii (gurtideenna) iyo dimuqraadiyad isla jaan qaaday (habka doorashada golaha deegaanka, wakiilladda iyo madaxtooyada).

 

Anigu waxa aan soo jeedin lahaa laba arrimood

  • Yaan doorasho la gelinin gurtida
  • Waa in aan la iska daba dhaxlin kursiga xubinta gurtida oo sharci laga soo saaraa.

Haddii ay geeri ku timaada xubinta gurtida ku jirta , waa in aannu dhaxlin wiilkiisi, xaaskisii ama walaalkii. Waa in beeshii kursigan lahayd  dib loogu celiyo arrinkaas oo ay iyagu dib  iskugu noqodaan kaddibna  ay beesha  dhexdooda ka soo xulaan xubintii kursigaa banaanaaday soo buuxin lahayd

 

Qalinkii: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)

20 Oktober 2018

Advertisements