Taliska Booliska oo soo Bandhigay Tirakoobka Dambiyada Kala Duwan ee Sannadkan ka Dhacay Somaliland

Taliska Booliska oo soo Bandhigay Tirakoobka Dambiyada Kala Duwan ee Sannadkan ka Dhacay Somaliland

Hargeysa (Jam)- Ciidanka booliska, ayaa shalay soo bandhigay tirakoobka dambiyada kala duwan ee sannadkan sii dhammaanaya ee 2010 ka dhacay guud ahaan Somaliland, iyada oo boolisku dadweynaha ka codsaday inay la soo socodsiiyaan dadka aan jeclayn nabadda iyo ammaanka guud ee dalka ka jira, si tallaabo sharci ah looga qaado.

Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Cabdillaahi Fadal Iimaan oo saxaafadda u warramay shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada dambiyada kala duwan ee dalka ka dhacay, isagaoo xusay in dambiyada sannadkan dhacay ay gaadhayaan ilaa 4,120 fal-damiyeed, kuwaasi oo isugu jira dilal, kufsi, shilalka gaadiidka iyo carruurta yaryar ee la tuuro.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in maxkamadda la horkeenay 1,265 kiis oo ka mid ah 4,120 dambi ee dalka ka dhacay, isaga oo xusay in dilalka bilihii u dambeeyey Somaliland ka dhacay gaadhayaan ilaa 29 dil oo gacanta lagu hayo eedaysanayaasha falal-dambiyeedyadaas lagu tuhunsan yahay.

“Falalka kufsiga ah ee Somaliland ka dhacay waxay gaadhayaan 45-kufsi, waxana geystay 48 eedeysane, kuwaasoo 8 ka mid ah ka baxsadeen. Shilalka gaadiidka ee bilihii u dambeeyey dhacay waxay gaadhayaan 387-Shil, waxaana ku dhintay 48-qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen dad gaadhaya 298-qof, waxa kale oo shilalkaasi khasaare kala duwan ka soo gaadhay 221 baabuur oo kala duwan, iyada oo ay shilalkaasi ku burbureen dhismayaal gaadhaya ilaa 48-dhisme,” ayuu yidhi hoggaanka hawlgelinta boolisku.

Mr. Fadal waxa uu sheegay inay jiraan carruur yaryar oo la tuuray, kuwaas oo la keenay saldhigyada booliska, isagoo xusay in carruurtaasi lagu wareejiyey hay’adaha ku shaqada leh.

Dilalka iyo falalka tuugado ku kacdo, ayaa bilihii u dambeeyey aad u soo badanayey, iyada oo falalkaasi dadweynaha ku beeray cabsi dhinaca ammaanka ah, iyada oo dadku aaminsan yihiin in muddadii xukuumadda cusub xilka haysay uu hoos-u-dhac ku yimi ammaanka, isla markaana dilalka iyo tuugado sii kordheen.
Jamhuuriya Online


Leave a comment